SOOMAALIYA: Golaha Midowga Musharaxiinta: “Farmaajo ha is-casilo”

Muqdisho(Hayaannews): Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xaaldda iyo wararka la xiriira dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka ciidan loogu diray dalka Eritrea.

War-saxaafadeed kasoo baxay golaha ayaa lagu sheegay “in lasoo sheegay in ciidamadaas ay qeyb ka ahaayeen” dagaaladii sokeeye ee Ethiopia oo ka dhacayey gobloka Tigray.

“Wararka la xiriira joogitaanka dhallinyaradaas ee Ethiopia iyo ka qeybgalkooda dagaalada sokeeye waxaa xaqiijiyey Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Qaraamada Midoobay iyo madax ka tirsan dawldo calami ah oo u kuur galay dagaaladaas,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Waxay sidoo kale Golaha ku eedeeyeen madaxweyne Farmaajo inaanu dhageysan dacwado ay soo jeediyey waalidiinta dhalinyaradaas oo ka codsaday dawladda ay ka hadashay xaaladda dhallinyarada.

“Waxaa nasiib-darro ah in Madaxweynaha muddo xileedldisu dhamaaday oo ah mas’uulka u sareeya ee Ciidamada Qalabka Sida inuu dhegaha ka fureeystay oo diiday in uu si muuqata uu shacabka Soomaaliyeed uga jaahil bixiyo eedeeymahaas,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Waxaan umaddda Soomaliyeed la qeybsaneenaa in dhacdadaan ay tahay mid aan la iska indha-tiri karin oo ay mas’uuliyadeeda dusha ka saaran tahay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.”

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ugu dambeyn sheegay inay ugu baaqayaan madaxweyne Farmaajo iska casilo xilka, umadda Soomaaliyeed ka hor-istaagto in uu u tartamo xilka mar kale, ayaga oo sababtana ku sheegay “inuu ku takri falay ilaalinta Dastuurka Qaranka,” sida war-saxaafadeedka lagu yidhi.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#MJ

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com