Taliyaha Ciidanka Danab Ee Soomaaliya Oo Beeniyay In ciidanka Danab Qeyb Ka Yihiin Dagaalka Laascaanood

Taliyaha ciidamada Kumaandooska Danab Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare)

Muqdisho(Hayaannews): Taliyaha ciidamada Kumaandooska Danab Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare) ayaa beeniyay  in Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Kumaandooska Danab lagu dilay dagaalada ka socda Magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo maalmihii u danbeeyey aad loo hadal hayay.

Taliye Beeryare ayaa sheegay in aaney waxba ka jirin wararka sheegaya in ciidan ka tirsan Kumaandooska Danab ay qeyb ka yihiin dagaalka ka socda Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Soomaaliland iyo kuwa dadka deegaanka reer Laascaanood.

War qoraal ah uu taliyaha Kumaandooska Danab ku baahiyay bartiisa Twitterka ayuu ku beeniyay wararka la faafiyay ee ah in ciidamo iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Danab iney qeyb ka yihiin dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.

“Waxaa muhiim ah inaan kala caddeeyo in shakhsiga lagu sheegay warbixinnada dhawaan la daabacay ee ah Maxamed Sulaymaan inuu hore sarkaal uga soo noqday ciidammada Danab ee milateriga Soomaaliya, uuna sababo isaga u gaar ah uga tegay shaqada 2021, Waxaan xaqiijin karnaa inuusan ninkaasi wax howl ah oo rasmi ah u hayn ciidammada Danab waqtiga uu ku dhimanayay dagaalka ka socda Laascaanood” ayuu yidhi Taliyaha Danab Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare.

Taliyaha ciidamada Kumaandooska Danab Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare)

Sidoo kale, sheegay Taliyaha in ciidanka Danab u jeedkoodu inuu yahay la dagaalanka kooxaha argagixisada, isla markaana aanay suurtagal aheyn in laga weeciyo ujeedkaasi oo ay ka mid noqdaan dagaalada salka ku haaya arrimaha qabiilka, haddii taasi ay dhacdana askarigii sameeya uu ku waayi-doono xubinimadiisa ciidanka.