Talyaaniga Oo Ku Guuleystay Koobka Euro 2020

Hargeysa(Hayaannews): Xulka Kubadda Cagta Talyaaniga ayaa xalay ku guuleysay koobka Qaramada Qaaradda Yurub ee Euro 2020, kaddib markii ay rigooreyaal 3-2 ah uga badiyeen dhiggooda Ingiriiska ciyaartii kama-dabeysta aheyd ee koobkaas oo ka dhacay garoonka Wembley ee magaalada London.

Ciyaartan oo la isla gaaray wakhtiga dheeriga ah ayaa 120-kii daqiiqo ee la ciyaaray ku soo idlaatay 1-1, hayse yeeshee waxaa lagu kala kabaxay rigooreyaal, iyadoo goolhayaha xulka Talyaaniga Gianluigi Donnarumma uu noqday xiddiga tartankan.

Ingiriiska oo goolka la hormaray waxaa daqiiqaddii labaad u dhaliyay difaacooda Luke Shaw, laakiin Talyaaniga ayaa qeybtii labaad ee ciyaarta la yimid gool barbar dhac ahaa oo uu dhaliyay difaacooda Leonardo Bonucci daqiiqaddii 67-aad.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

 #Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com