Wasiirka Warfaafinta Oo 33-Sanno Kadib Dhagax-dhigey Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Ee Gobolka Togdgheer

Burco (Hayaannews) Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan),ayaa si rasmiya u dhagax dhigey xarunta wasaaradda warfaafinta ee gobolka Togdheer.

Munaasibadii dhagax dhiga dhismaha xaruntan waxa ka soo qayb galay, maamulka heer gobol iyo degmo ee gobolka Togdheer, xildhibaano, masuuliyiin iyo marti sharaf kale iyo qaybaha kala duwan ee warbaahinta ka hawlgasha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Xaruntan uu dhagax dhigey wasiirka warfaafinta ayaa muddo 33 sano ahayd mid burbursan, waxaanu sheegay in xaruntani ay noqon doonto mid ka kooban 5 qol, hool iyo dayr, waxaanu xusay in ay kuwada shaqayn doonaan warbaahinta dowladda iyo ta madaxa bannaan ee gobolka ka jirta, sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay xarun u noqon doonto guud ahaan gobollada bariga Somaliland.

Geesta kale waxa uu intaas ku daray in dhisme casriya oo siweyn loo qalabayeey laga dhigi doono haddii ALLE yidhaahdo marka la dhammeystiro.

Waxaanu yidhi.“Maanta waxaynu joognaa munaasibad qurxoon oo horumarina ayaynu joogna, waxaynu dhagax dhigeyna xaruntii wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta ee gobolka Togdheer, taas oo yeelan doonta dhisme cusub oo casriya, waxa uu ka koobnaan doona 5 qol oo xafiisyo ah iyo hoolkii shirarka, isla markaana noqon doona studiye, lana qalabayn doono, dayrkiisiina la socdo.33 sanno ee u danbeeyay dhismahani muu hawlgalin ee wuu dunsana, wasaaradda warfaafinta xarunteeduna waxay ku shaqaynaysay suuqa, waxaanay ku jirtay laba qol oo kiro ah, aad iyo aad ayay u fiican tahay inay xarun ay leeyihiin ku shaqeeyaan, wax weyn ayay ku soo kordhinaysa nidaamka dowladnimada, wasaaradda qiimaheeda iyo bilicda magaalada, iyo warbaahintu guud ahaan xarun ay wada leeyihiin ayay noqonaysa, ma noqonayso meel wasaaradda warfaafinta oo kali ahi ku shaqayso, balse waxay xarun u noqon doonta warbaahinta gobolka oo dhan haddii ALLE yidhaahdo.Xaruntani gobollada bari oo dhan xarun ayay u noqon doonta haddii ALLE yidhaahdo sida qorshahayagu yahay”