“Waxaan Madaxweynaha Kula Dardaarmayaa Inta Uu Talada Ka Qaadanayaa In Aaney Noqon Talo Xumaalaha…” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif

“Waxaynu u baahan nahay hadalada dhiilada leh ee dalkeena iyo dadkeena waxyeelaya inaan aad isaga ilaalino” Cabdirisaaq Khaliif

Hargeysa-(Hayaannews): Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdirisaaq khaliif Axmed ayaa fariin u direy Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID,isaga oo kula taliyay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi cidda uu tallada ka qaadanayaa in aanay noqonin talo xumaalaha.

Sidaa waxa uu Guddoomiye Cabdirisaaq ku sheegay mar uu caawa ka hadlayay Munaasibadii Casho- sharafta ahayd ee loogu dabaal-dagayay Xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May, caawa lagu qabtay qasriga Madaxtooyada.

“Madaxda Axsaabta Qaranka waxaan leeyahay Waxaynu u baahanay hadalada dhiilada leh ee dalkeena iyo dadkeena wax yeelaya inaynu iska ilaalino.Waxaan in badan maqlaa iyadoo hadal badan loo jeedinayo dadka shacabka ah. Dadka shacabka ahi waxay doorteen inta madaxda ah ee golayaasha Qaranka ku jira xilkuna intaasu saaran yahay.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Maalin walbana eeda cidaan lahayn in dusha laga saaro oo shacabka loo jeediyaa wax wayn kordhin mayso.”

Md. Cabdirisaa Khaliif mar uu ka hadlayay Xisbiyada Mucaaridka Somaliland WADDANI iyo UCID waxa uu yidhi“Madaxda Xisbiyada waxaan leeyahay ceeb iyo gunimo maaha inuu qofku u danqaato danta guud iyo maslaxada ee waa sharaf, waa guul waa gobonimo.”

Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif waxa uu fariin u direy Madaxweyne Biixi, waxaanu yidhi “Waxaan Madaxweynahana kula talinayaa inaanu talada ka qaadan in talo xumaan ah ee uu ka qaato inta maalinta uu khaldan yahayna tidhaahda waar fadhiiso, marka uu saxan yahayna garnaqsan karta oo aragtidiisa gole gayn karta oo iibin karta.”

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Mustafe_Janaale

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com