“Waxaan Xaqiijinaynaa in Doorashadu u Dhacdo Si Xasiloon Oo Daah-furan Natiijaduna Noqoto Xor iyo Xalaal” Guddoomiye Cabdirashiid-RIYO-RAAC

Hargeysa (Hayaannews)- Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaca ka qaaday inay xaqiijin doonaan sidii doorashooyinka soo socda u dhici lahaayeen xasilooni, natiijooyinkuna noqdaan kuwo daahfurnaan, xor iyo xalaal ah, isla markaana bisha March ay bilaabin doonaan furitaanka goobaha codeynta goboladda iyo degmooyinka dalka, si loogu bixiyo kaadhadhka codeynta dadkii dhowaan is-diiwaangeliyey.

Qoraal shalay ka soo baxay xafiiska Gudoomiyaha Eng Cabdirashiid Maxamuud Cali, lana xidhiidha doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka ee loo qorsheeyey 31 May, 2021, ayaa lagu soo dhoweeyey digreetadii Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi ku iclaamiyey maalinta doorashada, taasoo dib-u-xaqiijinaysa xoojinta hanaanka dimoqraadiyada la soo bilaabay saddex qarni horteed.

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa hoosta ka xariiqay in qabsoomida doorashooyinka ay fududeysay taageerada iyo iskaashiga saddexda xisbi qaran, oo dhinac iska dhigay kala-aragti-duwanaanshahooda, si doorashooyinku xilligooda ugu qabsoomaan.

‘Waxaan kaloo bogaadinaynaa kaalinta xukuumada Somaliland ugu diyaarinayso musharaxiinta, cod-bixiyeyaasha iyo saxaafadu jawi ay si madaxbanaan ugu hawlgalaan, iyagoon ka cabsi-qabin amaankooda, cabudhin la’aana fikirkooda u cabiraan.

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaca ka qaaday inay bisha March bilaabin doonaan furitaanka goobaha codeynta goboladda iyo degmooyinka dalka, si loogu bixiyo kaadhadhka codeynta dadkii dhowaan is-diiwaangeliyey.

Waxaan wadnaa hanaankii loo mideyn lahaa liiska cod-bixiyeyaashii dhowaan la diiwaangeliyey iyo kuwii 2016, taasoo meesha la saari doonta iska diiwaangelin laba goobood, qofkii isku deya waxuu waayi doonaan xuquuqdii codeynta doorashooyinka gebi ahaan.

Komiishanka ayaa bogaadiyey taageerada farsamo iyo dhaqaale ee beesha caalamku u fidisay, taasoo loo isticmaalay diiwaangelintii soo dhamaatay, isla markaana sheegay inay ka rajeynaynaa taageero dhaqaale dheeraad ah.

“Annagoo kaashanaya dhamaan saamilayda doorashooyinka waxaan xaqiijinaynaa in doorashooyinka soo socda u dhacaan si xasiloon, natiijaduna noqdaan hanaan daahfurnaan, xor iyo xalaal ah, oo buuxiya shuruudaha doorashooyinka caalamka.”

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland