Wefti ka Kooban KULMIYE iyo UCID oo Safar ugu Baxay Dalka Kenaya
May 20, 2019 - Written by admin
Hargeysa
(Hayaannews)- Wefti ka kooban masuuliyiinta labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID, ayaa
shalay subax si mideysan safar shaqo ugu baxay Caasimada Wadanka Kenya ee
Nairobi, waxaana masuuliyiintani ay kulamo la qaadan doonaan safiirrada iyo
dibloomasiyiinta waddamada Somaliland ka taageera dhinacyada doorashooyinka iyo
dimuquraadiyada.
Masuuliyiinta
iyo xubnaha weftigan oo kala ah Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga
Kulmiye, ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed,
gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere,
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Xuseen (Waraabe) iyo Ku Xigeenkiisa Axmed
Cabdi Muuse (Abyan), ayaa muddo saddex maalmood ku sugnaan doona Caasimada
Nairobi ee Kenya.
Socdaaka weftiga labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID ayaanay labada dhinac ka soo saarin wax faahfaahin ah, iyaga oo warbaahintana u sheegeen inay faahfaahin intaa ka badan ay ka soo saari doonaan marka uu u soo idlaado socdaalkooda Nayrobi. Balse Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga Waddani ayaa hore u shaaciyay kulankan mar uu habeen hore hadal ka jeediyay xaflad afur ahayd oo uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku qabtay Qasriga Madaxtooyada.