Xaaladda Nololeed Ee Bulshadeena Iyo Xalka Loo Baahan Yahay.

Haddii aan Indho-siyaasadeed lagu miisaamin Xaaladda nololeed ee Bulshadeena Somaliland meel adag bay maraysaa, gaar ahaan dhinaca Maceeshadda Quutal-daruuriga ah.

Tusaale ahaan, Dhaqaalaha Billaha ah ee  Qoysaskeena soo galaa wuu kala duwan yahay, laakiin Culayska dhanka Maceeshadda Maanta Guri walba waa laga dareemay. !!

Haddii Qoyska ka kooban 7 illaa 8 Qof uu dhowr sano ka hor Rashinka bisha ku dhigan jireen $ 87 illaa 95 Dollar, Maanta wuxuu ku dhigtaa 125 illaa 137 dollar, halkaa waxaad ka garan kartaa faraqa Lacagta korodhay oo Sicir-bararka Maceeshaddu Aabbo u tahay.

Si kale, tusaalaha ugu fudud ee Sicir-bararka dalka ka jira aynu u soo qaadan karno waa in Midhka Roodhida ah (Roodhi Laydh) oo laba habeen ka hor Hargeysa laga siinayey inta u dhaxaysa 2000 ama 2500 Shilin ay noqotay 3000 shilin SL, inkasta oo aan Meheraduhu kuu sheegaynin wax cad oo sababay Qiimo korodhka intaas leeg, haddiise sabab loo raadiyo noqon karta in warshadaha Roodhida soo saara uu saameeyay Qiimaha Shidaalka oo laftiisu kordhay dhawaan.

Haddaba, iyadoo Ganacsiga dalkeennu xor yahay, isla-markaana aan Muwaaddiniintu xaq u leeyihiin inay jaan-gooyaan Qiimaha Alaabooyinka ay dibedda ka soo waaridaan, haddana waxa loo baahan yahay in Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Ganacsiga Iyo Dalxiisku samayso qorshe ay kula dagaallamayso in Ganacsatadu ka Tallaabaan xuduudka saxda ah ee Ganacsiga, una gudbaan heerkan ‘Naxariis-darrada’ ah, ugu yaraanna ay Wasaaraddu qorshayso inay iyadu dalka keento Raashinka Quutal-daruuriga ah, si ay wax uga beddesho Sicir-bararka xadhkaha goostay ee Maceeshadda iyo Shidaalka, taas oo aan is leeyahay wax bay ka tari kartaa culayska badan ee Bulshada haysta, siina kordhaya marba marka ka dambaysa. !!

Allaa Mahad Leh

Cabdiqaadir A. Carab

Hargeysa/ Somaliland

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com