Xarunta ODAY-KA-SHEEKE Oo Soo Bandhigtay Saadaasha Sannadka 2023

Hargeysa(Hayaannews): Xarunta Dhitaynta Dhaqanka iyo Xidigis ee ODAY-KA-SHEEKEE ayaa soo bandhigay odoroska saadaasha sannadka 2023-ka oo ay xogo baddani ku duugan yihiin.

Xarunta ODAY-KA-SHEEKE oo xarunteed guud ay tahay Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa sannad-walba soo saarta saadaasha arrimaha xidigiska ee ku saabsan arrimaha la filayo inay sannadka dunidda ka dhacaan, gaar ahaan geyiga Soomaalida.

Xarunta ODAY-KA-SHEEKEE ayaa ahayd xaruntii ugu horeysay ee daah-furta kal-tirsi qoroxeedka Soomaalida, taas oo ay ku soo bandhigtay sannadkii 2016-kii Magaalada Hargeysa, iyada oo ay ka soo qeybgaleen Ergooyin ka kala socday Soomaaliya, Jabuuti, Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Links-kan Booqo: Daah-furka Kal-tirsiga sannadka Soomaalida ee Somali Calender 

Daah-furkaa kal-tirsi qoroxeedka ay xarunta ODAY-KA-SHEEKE sameysay waxa qaadatay, isla markaana dood-cilmiyeed u qabatay Jaamacada dalka JABUUTI sannadkii 16 February 2021, Links-kan booqo: Dood cilmiyeed ku saabsan kaltirsiga Soomaalida

Waxa Sidoo kale, Waxa 3 February 2023 lagaga dhawaaqay Magaalada Jigjiga D.D.S.E. in sannadka iyo bilaha Soomaaliga lagu isticmaalo tiriga hawl-maal-meedka dawladeed oo lagu fuliyo, iyada oo uu shaaciyay Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaaalida Ethiopia Mustafe Maxamud Cumar (Cagjar).Links-kan Booqo: Maamulka D.D.S oo go’aamiyay in la isticmaalo bilaha kal-tirsiga ee Af-soomaaliga

Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdulle (Yuusuf-SHAACIR) oo ka mida Abwaanada reer Somaliland ayaa ka sheekeeyey sooyaalka iyo sidii ay Xarunta ODAY-KA-SHEEKE u aliftay, una daabacday Kal-tirsi Qoroxeedkii ugu horreeyey ee umdda Af-ka Soomaaliga ku hadasha dhaqan ahaan tirsato. Waxa uu Sidoo kale ku bogaadiyay Jaamacada Jabuuti iyo maamulka dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia siday u hir-geliyeen kal-tirsigaasi Xarunta ODAY-KA-SHEEKE curisay.Links-kan Booqo: Abwaan Yuusuf-Shaacir oo Dawlad Deeganka ku Hambalyeeyey Kal-tirsiga Bilaha Soomaoliga

Saadaashan sannad laha ah, waxay bilowga sannadka ku baahiyaan muuq baahiya SAAB TV, iyaga oo had-ba ku soo qaata arrimaha ugu muhiimsan ee la filayo inay sannadka dunida ka dhacaan IDAM ALLE. Sannadkan (2023) arrimaha lagu soo qaaday waxa ugu waa weynaa Cimilada, Colaadaha, cuddurada, doorashooyinka iyo dhaqaalaha.

Hadaba, Xeel-dheerayaasha Xidigiska ee ka tirsan Xarunta ODAY-KA-SHEEKEE ayaa cilmi-baadhis ku soo sameeya arrimaha lagu falan-qeeyo saadaasha, iyagoo diirada ku saara Geeska Afrika, iyo dhulka Soomaalidu degto.

Sannadkan 2023 waxa saadaasha noo daadahaynayay Dhaqanyaqaanada Xarunta ODAY-KA-SHEEKEE ee Axmed Ali Garas (MAQALOOQSHE) iyo Abshir Askar Maxamed.

Xarunta ODAY-KASHEEKEE waxay sannadkasta la wadaagta dadka Af-ka Soomaaliga ku hadla aqoon aynu isir u lahayn oo dabar-go’aday, taas oo u baahan in umadda Soomaaliyeed ay horumariyaan.

Ugu danbeyn daasha sannadkan 2023 ee ay aqoonyahanada xarunta ka tirsani nala wadaageen waxa lagu beegay baahinteeda 21-ka February 2023,maalintaas oo caalamka laga xuso dhiirigelinta Af-ka Hooyo. Links-kan ku dhufo oo Booqo: Barnaamijkii Saadaasha Xidigiska ee Sannadka 2023 Oo Xogo Badan Xambaarsan

Hadaba Shabakada Wararka ee Hayaannews waxay barnaamijka saadaasha Xidigiska ee Sannadka 2023 ugu soo gudbinaysa macaamiisheeda halkan hoose ka daawo

HADABA HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com