Xisbiga WADDANI Oo Xukuumadda Madaxweyne Biixi Uga Digay Inay Faro-geliyaan Kal-fadhiga Golaha Deegaanka GABILEY.

Xamse-Khayre-Hayaannews

 Hargeysa(Hayaannews):- Xoghayaha Warshaddaha iyo Dalxiiska ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xamse Khayre, ayaa ku eedeeyey Xukuumadda Madaxweyne Muue Biixi inay faro-gelin ku hayso Golaha Deegaanka cusub ee Magaalada Gabiley.

Waxaa la filayaa in maalinta berri oo Khamiisa ay Golaha Deegaanka Gabiley yeelan doonaan fadhigoodii koowaad, kaas oo lagu dooran doono Maayirka Iyo Ku-xigeenka degmada Gabiley

Siyaasi Xamse Kheyre waxa uu Xukuumadda ugu baaqay inay faro-gelinta ka daayaan Xubnaha golaha deegaanka ee degmadda Gabiley.

“Waxaan fursaddan uga faa’iidaysannayaa oo aan rabbaa inaan u mahad-celiyo dadweynaha ku dhaqan degmadda Gabiley, oo is-bedelka u coddeeyay doorashaddii 31-kii May 2021-ka innoo qabsoontay. Degmadda gabiley waxa laga soo doortay 13 Xildhibaan, 8-ka mida waxa helay Xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, waxa kale oo aannu helnay laba Xildhibaan degmadda Gabiley uga soo baxay golaha Wakiillada, markaas bay guushu dhacday, waxaannu imika u joognaa guushaas dhacday dhammaystirkeeddii, markaa maalinta barriya ayay fadhiisanayaan Xildhibaannadu, markaa rajo fiican baanu qabnaa oo waxaannu haysannaa 9 Xildhibaan, markaa haddii faro-gelinta laga daayo wax fiican baannu rajaynaynaa.

Xukuumaddii markii ay aragtay in mucaaridku ku xoog baddan yihiin golaha deegaanka ee degmada Boorama, waxay sameeyeen inta la isugu yeedhay oo la dhaarriyay ayaa lagu yidhi doorashadduna waa maalin kale, taasoo ah sharci-darro lagu sameeyay Xeerkii is-maamulka gobollada iyo degmooyinka, markaa falkaas waannu cambaaraynaynaa” Ayuu yidhi Siyaasi Xamse Kheyre

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com