Xisbiyada Mucaaradka Oo Xukuumadda Ku Eedeeyey Sharci-jabin, Farriin Adagna U Diray Biixi
March 1, 2019 - Written by editor editor
Hargeysa(Hayaannews)-Xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo
WADDANI ayaa soo bandhigay sharci jabin ka dhacday shirka golaha dhexe ee
KULMIYE ee magaalada Boorama ku soo dhammaaday. Mucaaradka ayaa sheegay in
shirka ay madaxweynaha iyo kuxigeenkiisu joogeen ay ka qayb galeen masuuliyiin
sharcigu ka reebay in ay ku dhexmilmaan siyaasadda ama ay kala raacaan asxaabta
Qaranka kuwaas oo hoggaamiya hay’ado bulshada dhex u ah iyo kuwo ay tahay in ay
la xisaabtamaan hadba xukuumadda talada haysa.
Masuuliyiinta shirka ka qayb galay ee mucaaradku xusay ayaa
kala ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka,
Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka,
Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Bangiga Dhexe, guddoomiyaha hay’adda ka hortagga
Aafooyinka iyo agaasimaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada. Waxa kale
oo la dhalliilay warbaahinta dawladda oo si toos ah shirka KULMIYE u
tabinaysay.
“Waxaad ogaydeen Muuse Biixi oo ah madaxweynaha dalku in uu
ku ololeeyay ballanteenu waa sarraynta Sharciga markii uu Dila joogayna wuxuu
lahaa waxa I darbaya waa Dastuurka iyo Sharciga dalka, wuxuu shir u qabtay
agaasimeyaasha guud ee dalka waxaanu ku yidhi ‘shaqaale dawladeed baad tihiin
oo siyaasad ma galaysaan’ agaasimeyaashiisii oo calanka KULMIYE ku jeeni
qaaranna hortiisa ayay fadhiyaan, iyama ayuu sax yahay ama khaldan yahay
madaxweynuhu?,” Sidaas ayuu yidhi afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI
Md Barkhad Jaamac Batuun.
Afhayeenka WADDANI waxa uu sheegay in ay ka walaacsan yihiin
in ay siyaasadda Somaliland dhaqan u noqoto habka KULMIYE u dhaqmay “Tani waa
tallaabo dhaxal u ah waxa ay reebayaan, waxaanu ka cabsi qabna xisbi ahaan
hannaanka dawladnimo ee sidaa loo bahdilayo in ay ibo-fur xun u noqoto in kolba
kuwa dalka yimaadda iyaguna sidaas oo kale ugu tagri falaan,” Sidaas ayuu yidhi
Afhayeenka WADDANI.
“Waxa aan halkan kaga hadlay waa kii maaliyadda hayay ee
hantida umadda gacanta ku hayay oo calankii Kulmiye ku jeeni qaaran, waa kii
ammaanka hayay oo dhex fadhiya, waa kii garsooraha ahaa ee waaxda garsoorka
joogay oo dhex fadhiya waa xeer dejintii oo dhex fadhida, waa wixii umadda
dhexda u ahaa ee Radio Hargeysa iyo Telefishankii Qaranka oo dhex fadhiya,
marka maxaa inoo badbaadaya? Shirkii wuu soo idlaaday laakiin, wadiiqada la
jeexay ayaa noocaas ah,” Sidaas ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga WADDANI.
Geesta kale Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga UCID Mudane
Yuusuf Kayse Cabdillaahi ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE oo xukuumadihiisu
shacbiga u horseedeen Sicir-barar, busaarad, Shaqo la’aan iyo dhaqaale xumo uu
hadda ku kacay sharci jabintii ugu weynayd, islamarkaana masuuliyiintii loogu
talo galay in ay la xisaabtamaan xukuumadda KULMIYE shirkiisa ka qayb galeen
iyaga oo calanka xisbiga ku jeeni qaaran.
Waxa uu sheegay in KULMIYE sharcigii dalka gacmihiisa ku
qaatay “Tani waxay tilmaamaysa Waddankan wixii la odhan jiray sarraynta
sharciga (Rule of law) in uu meesha ka baxay.
Xisbiga Kulmiye kubaddii la lahaa lugta ku ciyaar gacanta ayuu ku qaatay
waana halkii u dambeysay. Hore wuxuu u soo jabiyay xildhibaanno xasaanad leh oo
xisbiyo jooga ayuu hore u kaxaystay iyada oo aan sharcigu u ogolayn, waxa kale
oo uu sameeyay in xubno garsooreyaal ahi si cad ugu ololeeyeen oo aan waxba
laga qaban maantana waa tallaabadii u dambeysay,” Sidaas ayuu yidhi Xoghayaha
warfaafinta UCID.
Masuuliyiinta u hadlay mucaaradka ayaa sheegay in
masuuliyiinta Dastuurka ama sharciga ay ku aasaasan yihiin hay’adaha ay
maamulaan ka reebeen arrimaha siyaasaddu sharci darro ku dhex fadhiyeen shir
madaxweynuhu hagayay taasna ay meesha ka saarayso qawlka madaxweynaha ah in
sharcigu sarreeyo, islamarkaana ay ficillada iyo hadallada madaxweynuhu yihiin
kuwo is khilaafsan.
Masuuliyiinta ay mucaaradku soo bandhigeen ayay sawirradoodu
ka soo dhexmuuqdeen shirkii KULMIYE iyaga oo qaarkood salaamaya madaxweyne
Muuse Biixi Cabdi lamana oga in madaxweyne Biixi la xisaabtami doono kadib
markii baraha bulshada si weyn loogaga dareen celiyay sidoo kalena mucaaradku
si toos ah bulshada ula wadaagay sawirrada masuuliyiinta shirka ka qayb galay
iyada oo aanu sharcigu u fasaxin.