Xukuumada Somaliland iyo Shirkadaha isgaadhsiinta Oo Ka Wada Hadlay Dhamaystirka  Xeerka ilaalinta Xogta Elektroonigga Ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Axmed Yuusuf Idiris (Axmed-QARAN)

Hargeysa(Hayaannews): Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Axmed Yuusuf Idiris (Axmed-QARAN) oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddu ay kulan is-xog wareysi ah oo ku saabsan Xeerka Ilaalinta Xogta Elektaroonigga ah la qaatay shirkaddaha Tiknoolajiyadda dalka.

Xeerkan oo ay Wasaaraddu diyaarisay, Gollaha Wasiiraduna ansixiyeen, imikana la yaala Gollaha Wakiiladda ayey Wasaaradda iyo shirkadduhu ka tashadeen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen.

Kullankan oo ku soo dhammaaday is-afgarad, waxa la isla qaatay in kullamo kale la iskugu yimaad.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Axmed Yuusuf Idiris (Axmed-QARAN)