Xukuumadda Itoobiya Oo Xabsiga Dhigtay 359 Qof Oo Loo Soo Qabtay
October 29, 2019 - Written by admin
Addis-Ababa (Hayaannews)-Booliska deegaanka Oromada ayaa
sheegay rabshadihi toddobaadki hore ka dhacay dalka Itoobiya oo ay dada badan
ku dhinteen dadki ku lug lahaa oo gaadhaya 359 qof in xabsiga loo taxaabay.
Taliyaha Booliska Oromada Jeneraal Kafyalew Teferra oo BBC u
warramay wuxuu sheegay xaaladda deegaanka Oromada oo ay rabshadaha ugu badan ee
dalka Itoobiya ay ka dhaceen inuu hadda xasiloon yahay.
Tirada rasmiga ah ee dadka rabshadaha ku dhintayna sida ay
boolisku xaqiijiyeen waa 67 qof, Axadda wixii ka dambeeyeyna wax rashado ah ma
dhicin ayuu yidhi.
Wuxuuna Jeneral Tafari uu sheegay inta ay rabshaduhu socdeen
in kaniisado iyo masaajidba dhibaata loo geystay oo qaarkood la gubay.
Taliyaha Booliska wuxuu intaasi ku daray 80% (54 qof) dadka
rabshadahaasi ku dhintay ay ahaayeen kuwa ku dhintay gacan qaad ka dhex dhacay
kooxa iska soo horjeeda oo mudaharaadyo dhigayey.
Hase yeeshee, rabshadaha si siyaasadeysan ku billawday marki
dambana qaab diimeed iisu beddelay lama dhihi karo “koox hebla waxaa saa gaaray
iyo koox hebla intaasa ka dhimatay, balse rabshaduhu markay diin iisu beddeleen
labada diimood ee Kirishtanka iyo Muslimkaba ay dad ka dhinteen” ayuu yidhi.
Ilaa iyo hadda xogta aan haynana magaalada Adaama waxaa lagu gubay hal masaajid, laba kaniisadood oo meel ka baxsan magaalada ku yaallana waa la gubay ayuu yiri.
Taliyaha oo ka hadlayey rabshadaha dhawaan ka dhacay qayb ka
mid ah ee deegaanka Oromada inuu booliska uu ka gaabiyey inuu wax ka qabto
iyada oo sida oo kalana lagu eedeeyo rabshadaha iney dhexdhexaad ka ahaayeen
wuxuu yiri: “Booliska deegaanka Oromada si uu rabshadaha uu uga hortago ilaa
iyo naf ayuu u huray” isaga oo tilmaamay dadaalka ay booliska u galeen
xakameynta rabshadahaasi.
Hase yeeshaee, dadka mudaharaadyada isugu soo baxay oo aad u
badnaa meelaha qaar waxay ka awood bateen askarti rabshadaha iney ka hortagaan
loo howl geliyey ayuu yidhi.