Xukuumadda Somaliland Oo Ku Eedeysay in Hay’adda Duulista Soomaaliya Ay Sababi Gaadhay Shilal Diyaaradeed

Maareeyaha Hay'adda Duulista Somaliland Cumar Sayid Cabdillaahi

Hargeysa (Hayaannews) Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland, ayaa markale sheegtay in hagayaasha diyaarada ee Muqdisho ay sababi gaadheen in ay isku dhacaan laba diyaaradood oo ay kala leeyihiin Emirates Airways iyo Ethiopian Airlines.

Hay’adda Duulimaadyada Somaliland waxa ay sheegtay in hagayaasha diyaaradaha ee ku sugan magaalada Muqdisho, ay labada diyaaradood siiyeen xog sababtay in ay ku duulaan joog isku mid ah, taasi oo sababi gaadhay shil diyaaradeed.

Waxaana sidan lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska hay’adda duulista iyo madaarada Somaliland.

Waxaana lagu yidhi. “Habeenimadii Axaddii March 24 2024, abbaaro 12:43 Afrikada Bari , ayaa diyaarad ay leedahay shirkadda Emirate Airways oo duulimaadkeedu ahaa UAE722 kuna duulaysay joog 37,000ft iyo diyaaradda Ethiopian Airlines oo duulimaadkeedu ahaa ETH690, kuna jirtay joog 37,000ft ayaa ku sigtay in ay isku dhacaan, ka dib markii Muqdisho Control ay labaddan diyaaradood siiyeen joog wakhti iyo goob isku mid ah oo ay labadda diyarood ku kulmayeen”.

Hay’addu waxa ay sheegtay in daqiiqado yar ka hor wakhtiga ay isku dhici lahayeen, ay dedaal sameeyeen hagayaasha diyaaradaha ee garoonka Hargeysa , taasi oo sababtay in uu duuliyaha Ethiopian Airline uu si deg-deg u baddalo joogiisii, isla markaana uu koro jooga 39000ft.

Waxay warbixintu ku eedaysay maamulayasha hawada ee Muqdisho in ay si joogto ah u sameeyaan khaladaad kuwan la mid ah, kuwaas oo halis ku ah badqadbka diyaaradaha caalamiga ah, sida lagu yidhi warbixinta.

Hay’adda Hawada Somaliland ayaa dhawaan sidan oo kale u sheegtay in ay isku dhici gaadheen diyaaradaha Ethiopian Airline iyo Qatar Airways, kadib qalad ay sameeyeen hagayaasha Muqdisho.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Somaliland Cumar Sayid Cabdillaahi

Hay’ada Duuliyaadyada Rayidka Soomaaliyeed ayaa beenisay xogta shilka ay Somaliland baahisay lakiin markii danbe duuliyihii waday diyaarada Qatar Airways iyo Shirkada Qatar Airways, ayaa sheegay in ay runtahay warbixinta sheegaysa in ay isku dhici gaadheen Ethiopian Airline.