“Khudbada Musharax Cabdiraxmaan-CIRRO Jawaabaha Ay Bixisay Waxa Ka Badan Su’aalaha Ay Furtey” Aqoonyahan Maxamed Haaruun Biixi

Aqoonyahan Mohamed Haaruun Biixi

Hargeysa(Hayaannews): Aqoonyahan Mohamed Haaruun Biixi ayaa sheegay dagaalka ka dhacay Laascaanood inay sababtay tallo xumo, siyaasad xumo iyo masuuliyad darro.

Sidaa waxa uu Maxamed Haaruun ku sheegay gorfeyn uu sameeyey khubadii murashaxa Madaxeynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxaan-Cirro) kaga hadlay dagaaljka LAASCAANOOD.

“Hadalkii Doctor Cirro, oo dhamaantii ku saabsanaa mashaqada Laascaanood, mid sax ah iyo mid hogseeg ah ba wuu lahaa.

  1. Cabdiraxmaan waxa uu ku celiyay mawqifkii xisbiga iyo badiba Somaliland, ee ahaa dagaalkaasi in uu yahay mid ehli ah, oo aanu argagixiso shuqul ku lahayn.
  2. Waxa uu sheegay dagaalkaas in ay sababtay talo xumo, siyaasad xumo iyo masuuliyad darro. Waa runtii.
  3. Waxa uu sheegay in uu ciidanka ku garab taaganyahay difaaca qaranka, waxaanu raaciyay Laascaanood in ay u la mid tahay Hargeysa, Borama, Berbera, Burco iyo Ceerigaabo. Haddii ay Laascaanood intaas la mid tahay, ciidanka uu Cabdiraxmaan taageeray magaalo intaas la mid ah ayay duqayn aan ka la sooc lahayn ku burburinayaan, dadkeedii na qixiyeen. Khudbadiisa dambe ayaa loo ga fadhiyaa in uu labadaas is waafajiyo.
  4. Dr. Cabdiraxmaan, in kasta oo hadal nabad doon u badan uu jeediyay, hadana waxa uu ku soo xidhay tuducyo suugaan ah oo uu ka soo xigtay nin ka mid ah kuwa dagaalka oogaaya. Abwaan Laabsaalax gar iyo gardarro ba Muuse ayuu ku la socda, xataa hadii uu yidhaahdo naarta ha la galo na, bilaa su’aal buu isugu tuurayaa.

Is ku soo wada duub, khudbadda Mushaarax Cirro oo saaxiibkay ahi jawaabaha ay bixisay, waxa ka badan su’aalaha ay furtay.

Aqoonyahan Mohamed Haaruun Biixi

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com