SOMALILAND: Wasaarada Maaliyadda Oo Qaar Ka Mida Shaqaalaha U Qabatay Kulan Lagu Lafo-Gurayo Abla-ableynta Halbeegyada Dhaqaalaha

Hargeysa (Hayaannews)-Xafiiska Xidhiidhka Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dowladda oo kaashanaya Waaxda Dhaqaalaha iyo Tirokoobka Wasaaradda H. Maaliyadda ayaa soo agaasimay tabobar saddex maalmood socondoona oo ku saabsan  lafo-guridda iyo abla-ableynta halbeegyada  dhaqaalaha guud ee Dalka.

Tobobarkan oo loo qabtay  shaqaalaha qaybo kamid ah waxaaha Wasaaraddda waxa looga danleeyahay in lagu tayeeyo xirfadaha muhiimka u ah sida loo darso halbeegyada dhaqaalaha sida; Waxsoosaarka guud ee Dalka, shaqo-la’aanta,  heerka sixirbararka iyo  waliba siyaasadaha u dejisan ee ay tahay in lagu hago sida; siyaasadda maaliyadda, siyaasadda lacagta iyo siyaasadda iskubeddelka lacagaha, waxana casharada bixinaya inta uu socdo khabiir wasaaradda Maaliyadda kala shaqeeya arrimaha dhaqaalaha.

Wasiir-Xigeenka Wasaaradda H. Maaliyadda Md. Muuse Ibrahim Yuusuf oo si rasmi ah u furay ayaa kula dardaarmay saraakiisha tabobarka loo qabtay  in ay ka faa’iidaystaan inta uu socdo, aqoontoodana  kobciyaan si ay shaqooyinkooda ugu dabaqaan xirfadda ay halkan ka bartaan.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com