“Cirro Dalkuu Doonayo inuu Xukumo Sharcigiisa Ha U Hoggaansamo” Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mohamed-KAAHIN

“Haddaanu Kulmiye Nahay Noqon Mayno Xuurtii Wadkeeda Aragtay Marka La Yidhaahdo Ururo ayaa la Furayaa”

Mandheera (Hayaannews)- Wasiirka WasaaraddaArimaha Gudaha JSL Maxamed KaahinAxmed, oo maanta Madaxweynaha Somaliland kala qayb galay munaasibad ka dhacday Dugsiga Tababarada Ciidanka ee Mandheera oo ay ka qalin jebiyeen 253 sarkaal oo Derejooyin lagu taxay, ayaa ka jawabay hadal ka soo yeedhay musharaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, kaasoo uu kaga hadlay qadiyada furida ururrada siyaasadda.

Wasiir Kaahin ayaa Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ku waafaqay inay Doorashadda Furitaanka ururadda Siyaasaddu ka soo horaynayso Doorashadda Madaxtooyadda Jsl ee 13 November 2022, sida uu xeerku dhigayo ku raacay in sida Madaxweynuhu sheegay doorashooyinka dalku uga Qabsoomayaan, isla markaana nin is hor taagi kara ama diidi karaa jiri doonin.

Hadal uu munaasibada ka jeediyey Wasiirku ayuu isagoo daba socda doodda cabdiraxmaan Cirro, waxa uu yidhi”Waxaan jawaab kooban ka odhanayaa halkan Madaxweynaha Somaliland shalay (doraad) munaasibadii Tan la midka ahayd Barnaamijka siyaasadeed ee ku waajahan Doorashooyinka soo socda iyo hanaanka ururadda iyo Axsaabta Doorashadda ee Somaliland ‘ jawaab ayuu hadalkaasi shalay uu maanta ka bixiyey Murashax Cabdiraxmaan (Cirro)’. horta marka hore sida Madaxweynuhu u sheegay Xisbiga Kulmiye na u cadeeyey’ Madaxweynaha Somaliland marnaba lagama maqal afkiisa Doorashadda Madaxweynaha ee 13 November 2022 dhacaysa dib ayey u dhacaysaa, balse Madaxweynaha iyo Xisbiga Kulmiye ba waxay diyaar u yihiin inay doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo..”

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu aad ugu dheeraaday Xeer No. 14 oo uu sheegay in Xeerkaasi yahay Xeer wakhtigii Cabdiraxmaan Cirro uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ahaa in la sameeyey, balse uu Maanta Cirro neceb yahay oo Xeerkaasi dhaqan galka ah mid aan jirin u yaqaan isaga iyo Xisbigiisaba, “Doorashadda furitaanka ururadda Siyaasadda waxa qeexaya Xeerka la yidhaahdo Xeer No.14 Xeerkaasi waxa la ogolaaday (Baarlamaanku ansixiyey) xiligii uu Mudane Musharax Cirro ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland,hadaba goorma ayuu xeerkaasi xaaraan noqday oo goorma ayuu Cabdiraxmaan Cirro Xeer 14 Xaaraan ka noqday ‘ waxa uu Xaaraan ka noqday markii uu Baarlamaanka ka baxay ee Cabdiraxmaan noqday murashaxa Xisbiga Waddani ayuu ka Xaaraantinimoobay iyaga iyo Xisbigooda ‘ haddaba waxaan leeyahay Xeer No. 14 waa Xeer dalkan Somaliland ka jira oo Madaxweyne ayaan baabi’in karin ‘ Xisbiga Kulmiye ayaan baa’in karin oo Xisbi kale ayaan Baabi’in karin ‘ kaliya xeerkani waxa uu kaga bixi karaa halka uu maanta xeerarka qaranka kaga jiro dariiqadaha loo maro ee uu xeerka ku yahay marka dib loogu celiyo..”

Wasiirka Arimaha Guddaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay iyada oo la raacayo sida uu dhigaayo Xeer No. 14 in Xisbiga Kulmiye iyo Xisbiyada Mucaaridkuba ay dib ugu noqonayaan marka doorashada la gaadho ururo, waxaanu yidhi “Xisbiga Kulmiye Xeer No. 14 iyada oo la raacayo waxa uu ka mid noqonayaa ururadda tartami doona ‘ Xisbiga Waddani kuwaas ayuu ka mid noqonayaa UCID na kuwaas ayuu ka mid noqonayaa ,hadii aanu Kulmiye nahay Xuurtii Wadkeeda aragtay noqon mayno marka la yidhaahdo ururro ayaa la furayaa oo qaylin mayno balse Cabdiraxmaan Cirro iyo Xisbiga Waddani ayaa Xuurtii Wadkeeda Aragtay noqday, maxay la qaylinayaan maanta muxu shalayto Xisbiga Waddani kaga soo gudbay ururnimo muxu Waddani doorashadii hore ee Madaxweynaha kaga qaybgalay muxu Axmed Siillaanyo marku la tartamaayey kaga qaybgalay, muxu markay Muuse han Madaxweynaha ah tartamayeen doorashadda kaga qaybgalay. Xeer 14 kaas ayaa hore loo soo maray kaas ayaana maantana lagu dhaqmayaa mana dhici karto mana jiri karto nin odhan kara Xeer 14 ma jiro ama Xeer 14 ma shaqayn karo anaguba Xisbiga Kulmiye ayaanu nahay oo intaas oo Sanno ka soo tirsanayn oo Bakhtiyaa Nasiib kaasi ayaanu ka mid nahay oo dadba damac leh dadba aragti Siyaasadeed leh oo dadba Xaq u leh inay Tartan ururo Siyaasadeed ka qaybgalaan..”ayuu yidhi wasiirku.