Facebook Oo Laga Dalbaday Inuu Mamnuuco Aflagaadooyinka Ka Dhanka Ah Diinta Islaamka


Ra’iisal Wasaaraha Pakistaan Cimraan Khaan ayaa warqad u qoray milkiilaha shirkadda Faceboobka Mark Zuckerberg oo uu kaga codsanayo in shirkaddiisa laga mamnuuco qoraallada ama hadallada ku saabsan islaam naceybka.

Warqadda uu Mr Khaan u diray milkiikaha Facebooka wuxuu ku sheegay “Inay soo kordhayaan wararka la xiriira islaam naceybka” tallaabadaasina ay horseedi karto “Naceyb, xagjirnimo iyo qalalaase” dhammaan in ficiladaas laisku marsinaayo baraha bulshada.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Pakistaan ayaa imaanayaa xilli dhawaan madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron lagu eedeeyay inuu “Weerarayo islaamka”

Shirkadda Facebook waxay horey u dhaqan gelisay tallaaboloyin ay boggeeda uga saareyso qorallaada ama hadallada naceybka abuuri karo ee ku saleysan in weerar toos ah oo dhanka afka ah lagu qaado midibka qofka, qabiilka ama diinta iyo hadallada ka dhanka ah dhaqamada qaar.

Khaan wuxuu ugu baaqay shirkadda Facebook inay meesha ka saarto hadallada ka dhan ah diinta islaamka.

“Waxaan ka codsanaynaa Facebook in uu boggiisa uu ka mamnuuco hadallada ama qoraallada ku saabsan islaam naceybka”

“Farriinta abuuri karto naceybka waa in gebi ahaan la mamnuucaa- farriimaha naceybka dhalin karo ayaanan loo ogoleyn dadka qaar halka isla arrintan dad kale loo ogolyahay”

Axaddii Ra’iisul Wasaaraha Pakistaan wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha Faransiiska in uu wado weerarka afka ah oo ka dhan islaamka.

Hadalka Macron ayaa imaanayaa kaddib markii uu ka qeyb galay munaasabad baroor diiq loogu sameynayay macalinkii u dhashay dalkaas oo la dilay kaddib markii ardey uu tusay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed N.N.K.H.H.

Macron wuxuu sheegay in macalinka loo dilay “in islaamiyiinta ay doonayaan inay la wareegaan mustaqbalkeena” isla markaana “Faransiiska uusan weligiis is dhiibi doonin”

Mr Khan ayaa Twitter-ka ugu jawaabay Macron, wuxuuna yiri “Waxaa nasiib darro ah in Macron uu wado falal ku saabsan islaam naceybka oo uu weerarayo islaamka intii uu weerari lahaa argagixisada dhibka geysatay”

Mr Khan oo haataan cadaadis xooggan kala kulmaya xisbiyada ka tirsan isbaheysiga mucaaradka ayaa looga bartay in uu jeediyo hadallada diinta lagu taageerayo si uu u xoojiyo danahiisa siyaasadeed.

Alaabaha Faransiiska ayaa laga saaray dukaamo ku yaal Kuawait, Urdun iyo Qatar, halka dibedbaxyo kooban oo Faransiiska ka dhan ah ay ka dhaceen Liibiya, Gaza iyo waqooyiga Suuriya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska ayaa ku tilmaantay tallaabadaas mid aan “Sal iyo raad toona aanan laheyn” oo ay tahay si deg deg ah loo joojiyo.

Ma ahan markii ugu horreysay ay Pakistaan ka codsato Facebook inay baaritaan ku sameyso waxyaabaha lasoo gelinayo halkaas ee ka dhanka ah islaamka.

Sanadkii 2017-kii, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistaan Nawaz Shariif ayaa ugu baaqay shirkadda Facebook inay baaritaan ku sameyso qoraallo ama hadallo lagu aflagaadeynayo diinta islaamka, lamana ogo waxa uu ugala jeeday hadalkaas.

Balse dadka dhaleeceeya sharciga ka dhanka ah aflagaadeynta diinta ayaa sheegayaa in mararka qaar sharcigan lagu beegsado dadka laga tiro badan yahay, sharcigaas oo dhigaya xukun dil ah.

Xigasho BBCSOMALI

Hayaannews, Office