U Diyaar-garowga Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Iyo Wakiillada Ee Fooda Inagu Soo Haya Iyo Fahamka Doorashooyinka Garyaqaan Maxamed Baashe.


Gollayaasha Deeganka

 waxaan is weydiin doona waa maxay baahiyaha  shaqo ee  Gollayaasha  Degaanka

hadii bulshada Degmo Walba ay aqoon u leedahay  wajiaabdka Gollaha Deegankooda. waxaa la gaadhi lahaa xisaabtanka Golayasha Deeganka.

Qododbka 111  ee Dastuurka jamhuuriyada somaliland waxa uu qeexaya Golle DEGAAN waxaanu odhanaya

{ Gobollada iyo Degmooyinka dalku waxay yeelanayaan Golayaal sharci-dejineed oo ku kooban xeer hoosaadyo (Bye-laws) aan ka hor imanayn xeerarka dalka u dejisan iyo kuwa fulineed.

sida ku cad qod sare Golayaasha Deeganku waa Golle sharci dajineed oo leh awooda maamul ee Heer Degmo }

hadaba suaasha aan doonayo in aan ka jawaabo waxay u dhigan tahay

 Golayasha Degaan ee Hada Dhamaadka uu yahay xilkoodu ma ansixyeen xeerar ay ku maamulaan Nidaamka maamul ee Dawlada Hoose ?  ma ansixiyeen xeerer ka hadlaya nidaamka shaqo ee Gollayasha  Degaanka ?  a

Tusaale ahaan awooda maamul ee Mayor Magaalada iyo awooda sarkaalka shaqalaaha ah ee qaada cashuurka maalin la ah ee Gollaha Deeganku qaado.

Gollaha Fulintu waa Gollaha ugu sareeya  Dawlada hoose waxayna ka kooban yihiin Duqa magaalada  Mayor ku Xigeenka iyo Xoghayaha Gollaha Deeganka. .

Gollaha Deeganka waxa u yeelan doona waaxyaha hoos ku xusan , waax kastaana waxay sii yelan

  • waaxda maamulka maaliyada dawlada hoose
  • waaxda mamaul shaqalaha Dawlada hoose
  • waaxda mamaulka Gadiidka iyo hantida adag ee gollada deeganka
  • waaxda maamulka arimaha bulshada
  • waaxda qorshaynta dawlada hoose
  • waaxda mamulka dhulka dawalda hoose
  • waaxda maamulka hantida maguurtada ah ee dawlada hoose
  • waaxda dhismaha
  • waaxda bilicda  deeganka
  • waaxda amaanka
  • waaxda horumarinta iyo samaynta daraasadaha  
  • waaxda anshax marinta iyo xalinta khilaafadka shaqo .
  • waaxda xidhiidhka waaxyaha dawlada hoose
  • waaxda tababarka dawlada hoose
  • waaxda kayd dawalada hoose
  • waaxda xidhiidhka dadweynaha dawlada hoose

dhamaan waaxyaha aan halkan ku soo qaatay waa inta aan tusaalaha u soo qaatay , sida  darteed  waaxkasta leedahay xeer mamul oo aynu ka dhex heli karno wajibaadkeeda shaqo.   

waaxda maamulka iyo lacagta

  • waa maxay waajibaadka waaxda maamulka maaliyada  
  • Agaasinka shaqo waaxda mamulka maaliyada  
  • sharuudaha Agaasinka  waaxda maamulka maaliyada  

qaabka uu ku imanayo aagasimaha maamulka iyo Maaliyada wajibaadkiisa iyo nidaamka la xisaabtan waaxda.

dhamaan waax kasta waxaa aynu soo qaadan karna habraac shaqo ee yeelayanayso ,

Waaxda Wadooyinka

waaxda wadooyinku  waxay noqon doonta waaxyaha ugu muhiimsan dawlada hoose , madaama shaqooyinka  ugu waaweyn ee ay dawlada  hooose leeyihiin ay tahay Dhismaha Wadooyinka deeganka ay mamulaan Golle deegan ahaan. waxayn is weydiin doona  nidaamka loo maraayo dhismaha wado cusub iyo qaabkee loo maraya Joojinta wada hore loo istcimaali jiray. hadii aynu heli lahayn xeer aynu ka fahmi karno , wado waxay u baahan tahay. Awoodah Aagaasinka Waaxda Wadooyinka Misaaniyada waaxda Wadooyinka . Noocyada kala duwan ee Wadooyinka , Darasadaha iyo soo bandhigista dhismaha Wadooyinka . ilaalinta wado iyo waxay u baahan tahay ee hoos yimaada.

Waaxda Arimaha Bulshada dawlada hoose

waaxdan waxay ka kooban tahay  agaasin waaxda ciyaaraha , Agaasinka Waaxda Fayodhawrka , Agaasinka waaxda Waxbarashada  oo dhamantood hoos imanaya  waaxda arimaha bulshada . agaasink waax kastana waxaynu cadayn doona habraac shaqo ee ay u maamulayaan arimaha bulshada guud ahaan.

Agaasinka waaxda cafimaadku Dawlada Hoose

waxaa uu agaasinka waaxda cafimaadka dawlada hoose uu noqon doona xafiiska ugu sareeya maamulka horumarinta cafimaadka Heer degmo ee ay waajib u leeyhiin dawlada hoose . waxayna waaxdan u taagan tahay illaalinta daryeel cafimaadke Heer Degmo . sidoo kale waaxyaha wabarashada iyo ciyaraha waxay u taagan yihiin horumarinta doorka shaqo ee dawlada hoose ku leeyihiin waxbarashada iyo ciyaaraha Heer degmo .

LA SOCO QAYBTA XIGTA

LAWYER MOHAMED BAASHE HUSSEIN

suusabasashe@gmail.com

mahamed_bashe@hotmail.com

0634428342