Hargeysa(Hayaannews); Safiir Somaliland u fadhiya dalka Koonfur Afrika Ambassador Axmed Jaamac Xasan Shire(Gaaweeto), isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda saxaafadda, haweenka, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaraddaha Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta iyo shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska Marxuumad Shukri Xariir Ismaaciil oo ku geeriyooday shalay oo ay taariikhdu tahay 16-01-2021, caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Waxaanu Ambassador Axmed marxuumadda ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, siyaasiyiinta, bahda saxaafadda, haweenka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.