Cabdiraxmaan-SAYLICI Waa Baqashii Fardaha La Miratey Ee Geenyada ismoodey!!

Cabdiraxmaan-SAYLICI

“Riyaha oo Qaawan Baa idaha ku Qosla”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici oo ah asal- ma- doorshe aan lahayn awood uu wax kaga qaban karo falalka tacadiyada ah ee Ciidanka Somaliland u geystaan Shacabka Gobolka Awdal ayaa markii la arkey damiir xumadiisa in yahay shaqsi aan waxba diidi karin waxaa la soo dhex mariyey fariin ku socota Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md.Cabdirisaaq Khiliif oo sheegay inuu la dareen yahay shacabka Magaalada Laascaanood.kana soo horjeedo falkii Ciidanka Somaliland ku xasuuqeen banaanbayaashii ahaa shacabka aan hubeysneyn ee reer Laascaanood.

Mr. Seylici oo u warameyey Sahan TV ayaa isaga oo dabo jooga wareysigii Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Md.Cabdirisaaq Khiliif waxa uu weerar afka ah ku qaadey shaqsiyada Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Md.Cabdirisaaq Khiliif oo uu ugu baaqey inuu ku soo laabto xayndaabka Siyaasada Somaliland.

“Riyaha oo Qaawan Baa idaha ku Qosla ”

Cabdiraxmaan Seylici oo ah Dulmane aan wax saameyn ah ku lahayn habayaraatee siyaasada Somaliland iyo ta deegaanka beesha Gudobiirsay ee uu ka soo jeedo ayaa i maqlaydiisa dad badan ku tilmaameen inuu yahay qof ka maseyrsan go’aankii geesinimada ahaa ee uu ka qaatey arrinta Laascaanood Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo ah siyaasi bisil oo cadeeyey mowqifkiisa iyo dareenkiisa inuu diidan yahay dulmiga iyo xasuuqa Ciidanka Muuse Biixi ku hayaan Shacabka Laascaanood ee uu ku metelo Somaliland.

Cabdiraxmaan-SAYLICI

“Baqashii Fardo la Mirataa geenyo-ayey is mooda”