“Caqliyadda Ku Dhisan Aargudashada Ma Dhisto Dowlad,Halka Caqliyadda Ku Dhisan Dulqaadka Iyo Isa Saamixidda Ay Dhisto Ummado ” Madaxweyne Nelson Mandela.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Nelson Mandela “Markaan noqday madaxwaynaha koonfur afrika, ayaan maalin ka codsaday qaar ka mid ah Ciidamada suga amaankayga in ay magaalada igula soo dhex lugeeyaan, cabaar ka dib ayaanu galnay maqaayad, waan fariisanay, qof walbana wixii uu rabay ayuu dalbaday!

Inti aan sugeynnay cuntadii aan dalbannay, ayaa waxay indhahaygu ku dhaceen qof fadhiyey meel iga soo horjeeda, dabcan qofkaasina wuxuu sugayay cunto uu dalbaday,Mid ka mid ah ilaaladaydii ayaan ku iri kac oo ninkaas ka soo codso in uu miiskaan nala soo fariisto si aan u wada cuntayno .

Ninkii wuu yimid, wuxuuna soo fariistay dhinacayga, kadib waxaan billownay in aan cuntadii isla cunno, dhibco dhidid ah oo waawayn ayaa dhafoorkiisa ka soo da’ayey, gacantiisuna way jarayneysay oo maysan awoodin in ay cuntada afkiisa gaarsiiso.. ‏

Ka dib markii aan cuntadi dhammaysannay, oo uu ninki tagay, ayuu ilaaladaydii Khaaska ahaa igu yiri ninkii nala fadhiyey wuxuu ahaa mid xanuunsanaya, gacmihiisu way jareynayeen, oo ma awoodin in uu si fiican wax u cuno!

Waxaan ugu jawaabay ilaaladaydii :

Maya ma uu xanuunsanayn ,ninkaasi wuxuu ahaa waardiyihii igu hayay qolki aan kaga xirnaa Xabsiga, inta badan waxaa dhici jirtay marka la isoo ciqaabo, waan qaylin jiray aniga oo codsanaya xoogaa biyo ah in la isiiyo.

Kadib ninkan inala cuntaynayey ayaa ii soo geli jiray, madaxa ayuuna iiga kaadin jiray mar walba, sidaas daraadeed ayuu la jareynayey cabsi uu ka qabo darteed in aan ka aarsado oo aan xabsiga dhigo.

laakiinse Akhlaaqdeydu sidaas ma ahan, maxaa yeelay  caqliyadda ku dhisan Aargudashada ma dhisto dowlad, halka caqliyadda ku dhisan dulqaadka iyo isa saamixidda ay dhisto ummado ”

By . Mohamed Haaruun

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Mustafe_Janaale

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com