Dastuurkii Madiina Ee Seeska U Ahaa Muwaadinnimadii Muslimiinta Iyo Yuhuudda Ee Dawladda Islaamka  Qeybtii 1aad

HORDHAC

Nebi Muxamed (ﷺ) markii uu u haajiray magaalada Madiina si uu u dego, xarunna ay u noqoto faafinta dhambaalka Islaamka, waxa uu dejiyey dhukumanti lagu magacaabay ‘Warqaddii Maddiina’.

Dhukumantigan oo caan noqday, waxa uu ahaa heshiiskii bulsho ee ugu horreeyey dawladdii islaamka ee uu nebigu dhisayey. Taariikhyahannada qaar waxa ay doorbidaan in ay ku magacaabaan ‘Dastuurkii Maddiina’ taas oo ka dhigaysa in uu ka mid ahaa dastuurradii ugu horreeyey dawladaha dunida oo dhan.

Madiina waqtigaas waxaa wada deggenaa Muslimiinta iyo Yuhuudda. Muslimiintu waxa ay ka koobnaayeen qabiilooyinkii deegaanka magaalada ahaa (Ansaar), iyo muslimiintii nebiga la socday ee ka soo haajiray Maka (Muhaajiriin). Yuhuudda oo iyaduna deegaan ahay, waxa ay ka koobnayd saddex qabiil oo ahaa Banu Nadiir, Banu Quraydah iyo Banu Qaynqaac.

Dastuurka Madiina oo ka mid ah waxyaabaha faanka u ah xadaaradda Islaamka, marka la eego dunida casrigan, waxa uu seeska u dhigayey qaabka ugu habboon ee ay u wada noolaan karaan dadyowgaas kala isirka iyo diinta duwan oo dhammaantood muwaadiniin u wada noqonayey dawladda Islaamka ee uu Nebigu (ﷺ) aasaasay.

Dastuurkani waxa uu ka koobnaa 52 qodob oo 25 ka mid ahi ay si gaar ah u khuseeyaan arrimaha Muslimiinta, 27 ka qodob ee soo hadhayna ay nidaaminayeen / lagu maamulayey xidhiidhka u dhaxaynayey Muslimiinta iyo Yuhuudda labadooduba dawladda muwaadiniinta u noqonayey.

Inta aynnaan qodobbada muhiimka ah ee heshiiskan bulsho dul istaagin, si guud ahaaneed dejinta iyo ku dhaqanka dastuurka Maddiina, waxyaabaha ay taariikhyahannadu sheegeen in laga dheefay waxaa ka mid ahaa:

  1. Waxa uu soo afjaray nidaamkii qabiiliga ahaa, waxa aanu bilaabay waa cusub oo ah ummadnimo iyo dawladnimo.
  2. Waxa uu caddeeyey in qaanuunka ugu dambeeya ee la isula noqonayo (Marjac) uu yahay shareecada Islaamka.
  3. Waxa uu abuuray wadajirka iyo iskaashiga qaybihii kala duwanaa ee muwaadiniinta.
  4. Waxa uu ilaaliyey nolosha iyo xuquuqda bulsho ee dadkii laga tirada badnaa (aan muslimiinta ahayn).
  5. Waxa uu caddeeyey waajibka muwaadiniinta oo dhan (Muslimiin iyo Yuhuudba) ka saaran difaaca dawladda, marka cadow shisheeye soo weeraro.
  6. Waxa uu dhigay madaxbannaanida maaliyadeed iyo nidaamka dhaqaale ee muwaadiniintaas kala duwani gaar u kala leeyihiin, iyo waxa midaynaya.
  7. Waxa uu jeexay, hab-dhaqanka iyo macaamilka ay yeelanayaan Muslimiinta iyo Yuhuuddu.
  8. Waxa uu ka hadlay xaqa amniga iyo nabadgelyada muwaadinka.

Waxaas oo dhammi waxa ay horseedeen, in la sugo amniga iyo xasiloonida ammaan iyo dhaqaale ee bulshada.

Qormadan oo hordhac ah, qaybaheeda dambe waxa aynnu ku eegi doonnaa, Faahfaahinta waxyaabaha uu heshiiskaas bulsho ee nebi Muxamed (ﷺ) dejiyey ka yidhi, waxyaabo hadda dunidu aad uga hadasho. Dadka aan islaamka aqoonta u lahaynna ay mararka qaarkood isku dayaan, in ay iin uga raadiyaan nidaamka dawladeed ee islaamka.

Waxa aynnu soo xigan doonnaa qoraal kooban oo uu arrintan ka qoray Cali Salaabi oo ah Islaam faafiye, ku xeeldheer taariikhda iyo fikirka Islaamiga ah.

Kamaal Marjaan

Hayaannews, Office

Muqdisho, Soomaaliya

EMAIL: hayaannewsonline@gmail.com