FALANQAYNTA SHIRKII HERITAGE WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham.

Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham
Waxa aan bartan ku lafo-guri doonaa, Shirkii Heritage ee Xamar lagu qabtay, oo sida ajandihiisa lagu sheegay lagu falanqaynayay ’Amniga Geeska Afrika,’ hasa yeeshee, qodobka rasmiga ah ee lagaga hadlayay ahaa ‘Heshiiska Is-af-garad ee Somaliland iyo Ethiopia.’Haddaba waxa aan ereyo kooban ka odhan doonaa, shirkaas ciddii soo qaban-qaabisay, martidii ka soo qayb-gashay, wixii lagaga hadlay ama ka soo baxay iyo ujeedkii shirkaas laga lahaa.
Geesta kale, arrimo xasaasi ah oo saamaynaya idil ahaanba Soomaalida Geeska Afrika ku dhaqan, oo lagu falanqeeyay shirka ayaan iyana wax ka taataaban doonaa. Sida oo kale, haddii xagga Rabbi laga helo, waxa aan qormadan ku iftiimin doonaa, gefef waaweyn oo iiga muuqday aragtiyihii shirka lagu wadaagay. Ugu dambaynna waxa aan farta ku fiiqi doonaa, doodihii jabnaa ama heerka suurto-galnimadoodu hoosaysay ee fagaarahaas la keenay. Gunaanadka qoraalkayguna wuxuu noqon doonaa, talo-bixintayda ku wajahan ‘shacabka iyo xukuumadda Somaliland.”
Shirka maxaa lagaga hadlay?
Haddii aan nuxurka shirka abbaaro waxa lagaga hadlay laba qodob oo kala ah:
i. Dib-u-heshiisiinta shacabka iyo dhismaha dawladnimada Soomaaliya.
Maxay yihiin caqabada hortaagan dib-u-shiisiinta bulshada iyo dhismaha dawladda Soomaalida ayaa dooddan saldhig u ahayd oo laga duulayay. Haddaba waxa aan bartan ku soo qaadanayaa dhawr aragtiyood ka mid ah kuwii miiska falanqayntan lagu soo qaatay.
“ Burburkii kaddib Soomaaliya waxay u kabantahay si xun, haddaba waxa jira dad iyagu ka faa’iiday sidaas xun ee ay u kabantay, qaloocaas na dani ugu jirto, oo aan jeclayn in inta la jebiyo lafahaas qaloocu galay, dib luugu kabo si wanaagsan… Dawladnimaduna ma dhismi karto illaa la hir-geliyo ‘nidaamka doorasho ee qof iyo cod,’ oo loo gudbo in shacabku gacantooda ku soo doortaan cidda matalaysa, halka imika ay uga doorayaan shakhsiyaad kooban.” Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, Fiqi.
“…Marka uu Waqooyi yimaaddo madaxweyne miyir qabaa ayaa laga wada hadli doonaa midnimada ummadda Soomaaliyeed.” WRX. Hore Khadar Mahdi Guuleed.
“Xalka dhismaha dawladnimadeenu wuxuu ku jiraa Kitaabka Qur’aanka oo aan isku xukunno.” Dr. Faadumo Qaasim.
“Caqabadda dhismaha dawladnimada hortaagani waa dhaqanka geelleyda ee gunguriga ku dhisan. Xildhibaan Dalxa.
ii. Halisaha Heshiiska Is-af-garad ee Somaliland iyo Ethiopia.
Hay’adda Heritage ayaa qodabkan bilawgii ba sharrax dheer bixisay, waxaanay xuseen in warbixintani tahay nuxurka daraasad dheer oo ay mawduucan ku sameeyeen. Cilmibaadhistaas dulucdeedu waxay ku soo ururaysay laba qodob oo kala ah:
Ma jirtaa bad Ethiopia lahaan jirtay oo ka maqan?
Cilmibaadhistu waxay ku bilaaban tahay baadi-goob iyo raad-raac taariikh-cilmeed oo ay ogaanayso jiritaanka bad ay Ethiopia lahaan jirtay oo ka maqan, taasi oo had iyo goor madaxdii kala dambaysay ee Ethiopia soo martay ay sheegtaan. In aanay weligeed Ethiopia bad yeelan ayaanay cilmi-baadhistani gun-gaadhay, sidaa darteed riyada badda ee Ethiopia ay tahay sawir maskaxeed hoggaamiyeyaasheedu kala dhaxlaan.
Talo-bixinta Cilmi-baadhista Heritage.
• Dawladda Soomaaliyeed ha raadiso Soomaali midaysan oo isku dan ah.
• Dawladda Soomaaliyeed ha diyaariso istaraatajiyad siyaasadeed oo lagu wajahayo ‘gooni isku taagga Somaliland,’ taasi dhinac n aka jawaabaysa baahida mudaawinka reer Somaliland, dhanka kalena ka hortagaysa danaha shisheeye ee khatarta ku ah jiritaanka dawladnimada Soomaaliyeed.
• Dawladda Soomaaliyeed waxay daraasaddu u soo jeedinaysaa, ka midho dhalinta heshiiskii dhex maray dawladda Turkiga iyo Soomaaliya.
• Somaliland waxay daraasaddu u soo jeedinaysaa in ay si miyir qabta uga fekerto midnimada iyo isku soo celinta ummadda Soomaaliyeed, iyada oo meel iska dhigaysa fekerka ah, beri baa wax la na yeelay.
• Beesha Caalamka daraasaddu waxay leedahay, wax wanaagsan baad samayseen, hasa yeeshee intaas wax ka weyn baa la idinka sugayaa.
TALO-BIXINTA SOMALILAND SHACAB IYO XUKUUMAD.
Xukuumadda.
Xukuumadda Somaliland ee uu gadh-wadeenka ka yahay M. Muuse Biixi Cabdi, oo ah cidda shacabku u doorteen difaaca qarannimada Somaliland, ee xilku ka saran yahay in ay ka hortagaan dhammaan halisaha ku soo foolka leh dadka iyo dalka ba. Haddaba aniga oo muwaadin reer Somaliland ah, xukuumadda waxa aan bartan ugu soo gudbinayaa, afar qodob oo aan wax-ku-ool u arko talo ahaan.
1) Heritage in ay u aqoonsato hay’ad lid ku ah jiritaanka qarannimo ee Jamhuuriyadda Somaliland, sidaas darteed ay ka mamnuucdo in aanay hay’addaasi si toos ah iyo si dadbantoona uga hawl-gelin dhulka Somaliland.
2) In shacab iyo madaxda ugu digto ka qayb-galka shirarka ay hay’addaasi soo qabanqaabiso.
3) In ay dhisto oo dhiiri-geliso hay’adaha daraasaadka ee noocoodu yahay ’Think Tank Institutes’ kuwaas oo Somaliland ka difaaci kara warbixinaha borobogaandada ah ee qaranka lidka ku ah, ee ay ku hawlan yihiin hay’adaha Heritage ka mid ka tahay, ee cadawgu u samaystay in ay ku wiiqaan dawladnimada Somaliland.
4) In ay si dhaw ula socoto dhaqdhaaqyada hay’adda Heritage oo asal ahaan lid ku ah jiritaanka qarannimada Somaliland.
Shacabka.
Waxaan shacabka sharafta badan ku baraabujinayaa in ay Somaliland wakhtigan wajahayso cadawgii iyo faraha weynaa ee halmar weerar ku soo wada qaada intii ay jirtay. Sida keliya ee aan cadawgaas kaga guulaysan karnaana waa midnimo, walaalnimo iyo dalkeenna oo aan difaacanno, innaga oo hoos dhigayna kala duwanaanshaheenna feker siyaasadeed iyo tabashooyinkeenna ba. Haddaba laba qodob oo aan door mooday talo ahaan ayaa bartan kula wadaagayaa shacabkayga, waxaanay kala yihiin:
1) In aqoonsanno in hay’adda Heritage qarankeenna ku tahay cadaw jiritaan “Existential Threat” sidaas darteed ay damiir xumo innagu tahay in aan shirarka ay soo qabanqaabiso ka qayb-galnaa.
2) In dhammaanteen aan meel uga soo wada jeedsanno difaaqa jiritaanka qarannimadeenna, innaga oo aan ku sixir-goosanayn sida aan u aragno xukuumadda dalka hoggaaminaysa wakhtigaas. Sababtuna waa in xukuumad kasta oo dalka hoggaankiisa qabataa ay xilka wareejin doonto, innaga se lahaanshaheenna qarankani ma-guuraan yahay, cadawgeennuna aanu inna kala jeclayn mucaarid iyo muxaafid. Somaliland na maanta cudud in lagu difaaco waxay uga baahi badan tahay in caqli iyo cilmi lagu difaaco.
Sixitaan.
1. Ethiopia weligeed bad ma yeelan.
Waxaan idin xasuusinayaa in April 27, 1993, markii ay Eriteria xorriyadda qaadatay wixii ka dambeey ay Ethiopia bilaa bad noqotay.
2. Ethiopia waa cadawga Somaliland.
Ma jirto cadaawad Somaliland iyo Ethiopia ka dhexaysaa, taasi cakiskeedana waxa ka dhexeeya xidhiidh wanaagsan oo amni dhaqaale.
3. Heshiiska Somaliland iyo Ethiopia wuxuu lid ku yahay horumarka dhaqaale, siyaasad iyo amni ee Soomaaliya.
Haddii horumarka Somaliland lid ku yahay horumarkiinna miyaan la odhan karin; walaalnimada, Soomaalinimada iyo midnimada aydaan afka dhigini waa af iyo uur aan wada socon.
4. Doorasho qof iyo cod ah baa saldhig u ah dhismaha dawladnimada Soomaaliya.
Doorasho qof iyo cod ah waxa suurto-geliya nidaam dawladnimo oo ku filan sugista amnigiisa’e doorasho qof iyo cod ahi dawladnimo ma dhisto.
5. Heshiiska Somaliland iyo Ethiopia wuxuu halis amni ku keeni karaaa Somaliland oo kooxaha nidaam-diidka ah ee Soomaaliya jooga sida AS oo kale waxay iskugu tagi doonaan Somaliland.
Madaxdii hay’adda Heritaga, madaxdii dawladda Faderaalka oo Madaxweyne Xasan SHeekh iyo RW. Xamse ka mid yihiin waxay iska daba mareen in heshiiskani sababayo in AS Somaliland amnigeeda khalkhaliso. Fahankayga taasi waxay iigu muuqataa laba mid uun:
• In Madaxda Soomaaliya AS la shaqayso oo iyadu soo Somaliland u soo dirayso.
• In Madaxda Koonfurta Soomaaliya ka xuntay amniga iyo nabadda Somaliland ka jirta.
6. Dawladda Soomaalida…
Ma jirto wax la yidhaa “dawladnimo Soomaaliyeed” Soomaalida Geeska Afrika ku dhaqanna Soomaaliya iyo Somaliland mooyaane inta kale waxay ka tirsan yihiin nidaamyo dawladeed oo la wada leeyahay. Haddii nidaamka idaalka daran ee Koonfurta Soomaaliya ka jira aad u taqaannaan dawladnimo Soomaaliyeed na, waa iga sixitaane, waxa la yidhaa, DFS.
7. Shirkani wuxuu daba-socday shirkii Djibouti ka dhacay dabayaaqadii 2023.
Haddii shirkani daba socday shirkii Heritage Djibouti ee dabayaaqadii 2023, maxaa sabab in heshiiska Somaliland iyo Ethiopia oo wakhtigaas ka dambeeyay noqdo qodobka ugu weyn ee sharka lagu lafo-guray.
8. Muuse wuxuu January, 1, 2024 qarxiyay Atomic Bom khalkhaliyay siyaasaddii Geeska Africa oo dhan.
Waxa aad u bixisaan Atomic Bom Muuse Biixi ku qarxiyay Geeska Africa reer Somaliland waxay u yaqaannaan GUUL TAARIIKHI AH.
9. Heritage in ay Geeska Africa Amnigiisa cilmibaadhis ku samayso iyo in nabadda Xamar cilmibaadhis ku samayso keebaa mudan.
Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham
Heritage marka ay talo cilmi ku dhisan oo wax ku ool ka samayso sidii loo nabadayn lahaa xaafad Xamar ka mid ayay fiicnaan lahayd in ay Geeska Africa amnigiisa u gudubto.
Si kastaba ha ahaatee, shirkani wuxuu meel ka dhac ku ahaa caqliga wanaagsan iyo garashada, miisaanka garaadka marka la saarana wuxuu ka durugsan yahay SUURTO-GALNIMADA. Heritage wixii ay la shir timidna wuxuu ahaa AFKALA QAAD.