Garbi (Somali): Faidherbia Albida Del (formerly Categorized As Acacia Albida Del)

Innaba isha ma ku qabatay geed weyn oo guun ah marka aad magalada Dila  (ku taal jidka u dhexeeya Hargeisa iyo Boorame) joogto.Waa geedka weyn ee dooxada  qarka magaalada ka saaran.

Geedkan dalal badan oo Afrika ku yaal  aad baa looga daneeyaa.Waxa uu caan ku yahay dhaameelkiisa aadka u balballaadhan ee soo xoodan.  Midhihiisa waxa aad u xiiseeya riyaha iyo geela.Midhaha waa la baylin karaa, dadkuna waa ay cuni karaan.

Geedkani waa ka keliya ee dhirta qodaxleyda ah ee caleenta daadiya xilli-roobaadka. Kolkaas, meelo badan oo Afrika ah, aad ayaa loogu ammaanay in dalagga laga dul beero, maxaa wacey, waxa uu nafaqeeyaa ciidda.   Waxa kale oo uu leeyahay xabag sida midda cadaadda oo kale.

Geedkani  waxa uu mudan yahay in la tarmiyo, wax weynna wuu ka tari karaa quudinta xoolaha iyo wanaajinta ciidda.

Faidherbia albida Del (formerly categorized as Acacia albida Del)

Found in many parts of tropical Africa and some parts in the Middle East, and western Asia, this plant plant is used in agroforestry. Its leaves and pods are important as animal feed and forage, and have been used as a human food in famine times.

The very conspicuous, big and aged tree that one can find in  Dila town (between Hargeisa and Borama) is this species.Elsewhere in Africa, it is extensively propagated  for its agro-ecological and economic benefits.

 

Ahmed Ibrahim Awale

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland