Halista Ka Dhalan Karta Kala- Qaybsanaanta Bulshada Iyo Ku Dhaqanka Qabyaaladda

Siyaasi-Xuseen-Deyr-Hayaannews

Kala-qaybsanaanta bulshada iyo ku dhaqanka Qabyaaladdu waa AAFO QARAN waxayna ummadda u horseedi

karaan XAALADO KHATAR KU AH JIRITAANKOODA.

Marka ay bulshadu kala saari waayaan ku dhaadashada Qabiilka iyo mudnaanta uu Qaranku u leeyahay qof kasta
oo muwaadin ah; waxa hubaal ah in ay ummadaasi la kulmi doonaan arrimo halis ku ah wadajirkooda ummadnimo.
Ku dhaqanka Qabyaaladda iyo kala-qaybsanaanta bulshada arrimaha ay dhalin karaan waxaan ka xusi karaa UGU
YARAAN, 10-ka arrimood ee soo socda:

1) Waxa hoos u dhaca asaaska iyo jiritaanka ummadnimo iyo Dareen-Wadareedkii midayn lahaa ummad wadaagta
dal, diin, dhaqan, af, dhiig, dhalasho iyo taariikhba.
2) Waxa yimaada niyad-jab bulsho, waxana hoos u dhaca Rajada iyo Filashada Ummadda ee la xidhiidha hiigsiga
mustaqbal wacan iyo horumar ay bulshadu ku hirato;
3) Waxa hoos u dhaca difaaca iyo ku adkaanshaha Qarannimada, waxana timaada xaalad ay bulshadu si midaysan
uga dhiidhiyi waayaan wixii nusqaan ku ah magaca iyo sharafta dalkooda;
4) Waxa abuurma jawi ay bulshadu isu sama-fali waydo iyo arxan la'aan baahsan oo ay cid walba ka fikirto danteeda
shaqsiga ah;
5) Waxa luma ixtiraamka, karaamada, is-qadarinta iyo kala-dambaynta bulshada dhexdeeda (Xag Dhaqan, Xag
Dadnimo iyo xag Diineedba);
6) Waxa timaadda xaalad ay bulshadu isku guubaabin waayaan wanaagga, horumarka iyo arrimaha u adeegaya
danta guud ee ay ummaddu wada leeyihiin;
7) Waxa timaadda xaalad ay gacanta sare yeeshaan ama wax laga dhageysto kuwa bulshada dhexdeeda ka wada
xumaanta iyo sharka;
8) Waxa hoos u dhaca is-aaminka, is-dhexgalka iyo is-kaashiga bulshada dhexdeeda ee xag dhaqan, xag dhaqaale
iyo xag horumarba;
9) Kala qaybsanaanta bulshadu waxay keentaa kalsooni darro bulsho, taasoo saamayn weyn ku yeelata guud
ahaannba habsami-u-socodka Ganacsiga, Maalgashiga, Suuqa iibka Dhulka, Guryaha iyo Dhismaha;
10) Waxa timaada xaalad uu cadowgu qaybo ka mid ah bulshada u adeegsan karo hagar-daamada iyo burburinta
dalkooda, iyagoo dhuuni ama dhadhamo dhaafsanaya Qarankooda.

Siyaasi-Xuseen-Deyr-Hayaannews