Maxaad Ka Taqaana GIS-ka iyo Adeega Uu Ku Soo Kordhiyay Dawladaha Hoose Ee Somaliand?

 

Somaliland adeega GIS-ka waxa la daah furay sanadki 2018 oo marki ugu horaysay taariikhda laga hirgaliyay Somaliland.

Somaliland markan  waxay fursad u heshay in ay noqoto dalka saddexad ee u ka hirgalay nidaamka casriga ee GIS-ka ka waxa ka horeeyay waddamada South Africa iyo Ruwanda oo kaliya qaarada Africa gabi ahaanteed.

Maxay tahay shaqada GIS-ku?

  1. GIS wuxuu faaido u leeyahay marka la qorshaynayo magaalooyinka waaweyn.
  2. wuxuu tirtirayaa is qabsiga iyo muranka dhulka isagoo sahlayaa qabashada hawlaha calculus oo ibnu Aadamka ku qaadanaysa muddo badan keenaysana dib u dhac iyo gaabis shaqo.
  3. Wuxuu qeyb weyn ka qaata xaqiijinta mulkiyadaha dhulka.
  4. Waxa u fududeeya hawlaha lagu xaqijinayo koboca dhaqaalaha dalka.

Hadaba tan iyo marki laga daah furay dalka,

Dawlada Hoose Hargeysa ayaa  marki ugu horaysay si hufan uga faaideysatay adeegan sido kale wàxa iyana ku hawlgalay waaxyaha kale ee dawlada sida Maxkamadaha iyo Fulinta oo nidaamkani  u fududeeyay hawl maalmeedkooda isagoo meesha ka saaray jahawareer ka haystay dhulka oo in badan ay ka dhici jireen falal khatar ku ahaa xasiloonida iyo nabadgelyada dalka.

Dawlada Hoose Khaasatan waxa ay si hufan ugu shaqaysay nidaamka GIS-Ka ee Shirkada GESOL waxana u hirgalay  dawlada hoose:

  1. Nidaamka GIS wuxuu saxay khariirada magaalada Hargeysa oo loo galiyay system-ka si saxa.
  2. Waxa digital laga dhigay files-ki la bixiyay ilaa 1995 -ki ilaa taariikhda maanta la.taagan yahay.
  3. Waxa u sahlay sameynta shahadada mulkiyada guryaha iyo dhulka.
  4. Waxa u fududeeyay kala wareejnta iyo kala iibsiga hantida ma guurtada ah.
  5. Waxa u toosiyay habka maamulka dhokumantiga dawlada hoose ay ku shaqayso.
  6. Waxa u meesha ka saaray faylashi isku midka ahaa ee hal jago loo soo saari jiray.
  7. Waxa hirgalay nidaamka ciwaanada – address-ka goobaha, guryaha iyo qeybaha kala duwan ee magaaladu ka kooban tahay taas oo sahashay isku socodka dadweynaha sido kale kor u qaaday koboca dhaqaale ee suuqa xorta ah.

Abukaate Siciid Shamaaqile

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Lyon, France

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com