Qiso Quruxda Xijaabka Qalinkii: Axmed Cali Kaahin

Wiil baa gabadh Aroostay, iyadoo xijaab ku shaqlan markii ay xaflada yimaadeen dadkii way ka boodeen markii ay arkeenba. May muuqan waxaan ka ahayn indhaheeda. Arooskii bay ku canaanteen arrinkaa waxayna ku yidhaahdeen: waar yaahee ninkow waa maalin teedii farxadeede. Wuxuu yidhi waa maxay ceebta ku jirtaa? Waad qarisay waxaad tahay dib usocod ama badaw,

wuxuu ku yidhi :

Allaah gabadha wuu ciseeyay sharfay dadkuna fikirkooda way ku duleeyeen, waxay u xalaaleeyeen in masraxyada ka heesto. Allaahna waxa uu u diiday in ay eedaanka iyo iqamada salaada, ilaalin nuglaanteeda iyo dhawrsanaanteeda.

Waxay u xalaaleeyeen matalaada mastraxa korkiisa, iyadoo Allaah aanu ka doonin imaatinka jimcaha iyo jamaca, ilaalin nuglaanteeda iyo dhawrsanaanteeda.

Waxay ka dhigeen geesiyada olambiga iyo tartamada. Allaahna wuu u diiday in ayna ordain Safa iyo Marwa dhexdooda. ilaalin iyo dhawrsanaanteeda iyo nolosheeda.

Waxay u safriyeen safarada iyo munaasabadaha iyadoon ehel wehel ahi la socon.  Ilaahayna wuu ka riday rukun Xajka, rukunada islaamka ah haddii ehel wehel ahi haddii la waayo. ilaalin nuglaanteeda iyo nolosheeda.

Waxay usoo saareen in ay raacaan ciyaaraha oo ay taageeraan kooxaha dalkooda. Ilaahayna wuu ka daayay in ay u soo baxaan jihad iyo diin u gargaarid. Iyadoo la ilaalinayo dhawrsanaanteeda iyo dumarnimadeeda.

Waxay gurigeedii kasoo saareen iyadoo caruusad caddarsan oo la qurxiyay, iyadoo illaahay u diiday in shuuliyada lugaheeda ku xidhan aanay ka shanqadhsiin.

Lamay doonin xoriyad lakiin waxay dooneen xoriyad ay ku gaadhaan sharafteeda, anigu waan arkaa dheemantayda taasi oo aanay ciddina xaq u lahayn in ay aragto. Waana hadyad rabigay isiiyay. Hadyada la isma siiyo, iibiyo, hadyadeeyo. Allow ilaali oo astur hablahayaga iyo kuwa muslimiintaba

Qiso Quruxda Xijaabka Qalinkii: Axmed Cali Kaahin

Eray Tabintii: Axmed Cali Kaahin  /Xigasho : Dagalka Sheekh M.S.Maqaamisi iyo Mustafe Xusni bogooda.                                      aakaahin@yhaoo.com

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland