Raisal Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abye Ahmed Ma Ku Guulaysan Doonaa Hawlgalka Milatari Ee Gobolka Tigray Mise Isaga Ayaaba Halis U Ah In Uu noqdo Gorbjev-kii Itoobiya?
November 19, 2020 - Written by admin
Hawlgalka milatari ee
hadda todobaadkii labaad ka socda gobolka Tegray marka laga eego khilaafka uu
ka dhashay iyo arimaha labada dhinac ay isku maandhaafsan yihiin arinku maaha mid
sahlan oo la fudaydsan karo waayo wuxu leeyahay wejiyo dhawr ah. Dadka u dhuun
daloola arimaha Itoobiya sida ay qaar ka mid ahi u dhigayaan khilaafka
siyaasiga ah ee dagaalkan sababay ayaa ah mid aad loogu kala fog yahay oo aan
ku koobnayn madaxda Dawlad Degaanka Tegray oo ka talo goosatay Dawladda
Federaalka iyo Itoobiya inteedii kale eh uu jiro dareen shaki oo laga qabo
isbededlka ka socda dalka Itoobiya ee RW Abiye Axmed hogaaminayo oo loo
tirinayo in uu salka ku hayo aragti u gaar ah qoomiyadda Amxaarada oo ah
qoomiyadda labaad ee ugu tirada badan qoomiyadaha Itoobiya oo la ogyahay in ay
gebi ahaanba ka soo horjeedo nidaamka federaaligi ah ee hadda Itoobiya ka jira
una aragto qoomiyad ahaan in uu wiiqay
awooddii dhawladda dhexe. Amxaaradu markaa, sida la leeyahay, waxay doonaysaa
in laga noqdo nidaamka federaaliga oo lagu bedelo dawlad dhexe oo leh awood
badan gacantana ku wada qaban karta talada dalka Itoobiya, weliba ay amxaaradu
noqdaan kuwa hogaaminaya hadii ay tooda noqoto.Taas oo qoomiyadaha kale oo
dhami ay kaga soo horjeedaan. Xataa qoomiyadda uu ka soo jeedo Abye Axmed inta
badana u tiriya laftiisu in uu u janjeedho dhinaca Amxaaradda ayaan sinaba u
aqbali karin wax aan ahayn nidaamka federaaliga ah ee dastuuriga ah.
Hadii hadaba ay wax ka jiraan
shakiga laga qabo isbedelka Abye Ahmed uu ka wado Itoobiya waxa laga yaabaa in
hawlgalkan milatari aanu noqon wax lagu soo afjari karo muddo kooban sida uu
yahay ku talogalka Abye Axmed iyo dawladda Federaalka ee uu hogaaminayaa ee
waxa suurogal ah in uu dheeraado.
Dhawrkii maalmood ee ugu
horeysay dagaalka ciidamada dawladdu waxay abbaareen in gobolka Tegray ay ka
xidhaan xadka dhinaca dalka Sudan ee galbeedka
iyo dhinaca bariga ee Dawlad Degaanka qoomiyadda Canfarta oo ahaa labada
dhinaca ee keliya ee u furnaa gobolka Tegray. Dhinaca koonfurta ee Dawlad
Degaanka Amxaarada iyo Dhinaca Waqooyi ee xadka Calatariya ayaa ah labada
dhinac ee lagaga soo duulay gobolka Tegray sida ay sheegeen madaxda TPLF ee ka
taliya gobolku.
Marka laga eego dhinaca milatariga dabcan
awoodda dabka isuma dhigmi karaan labada dhinac ee waxa awood badan Ciidamada
Dawladda Federaalka oo weliba ay xoojinayaan ciidamada maleeshiyada Amxaarada
oo ka barbar dagaalamayaa ciidanka dawladda iyo kuwo Calatariyaan ah oo laga
yaabo in ay gacan siinayaan. Saraakiisha TPLF iyagoo taa og kuna xisaabtamaya
iyagu dhinacooda waxay sheegeen in ay isu diyaariyeen dagaal dheer. Taa waxa
loo fasirankaraa inta hore oo dhan in aanay ku talo gelin dagaalka caadiga ama
fool ka foolka ah (conventional warefare) si aanay quwadooda milatari ugaga
burburin. markaa tab ahaan iyo xeelad ahaan TPLF waxay ku talogaleen in ay ku
burbuiyaan ciidamada cadowga gudaha gobolkooda iyagoo adeegsanaya dagaal
jabhadeed ay waayoaragnimo dheer u leeyihiin si fiicanna ugu diyaar garoobeen
waayo waxay og yihiin in guushoodu ay ku jirto in dagaalku dheeraado, halka
guusha dhinaca kale ee dawladdana ay tahay in si dhakhso hawlgani loogu
xaqiijiuo ujeedadii laga lahaa. Gaar ahaan TPLF iyaga waxa guul u ah inay
fashiliyaan hawlgalkan milatari taasina waxay ku xidhan tahay dagaalka oo
dheeraada iyaga ayaanay hawshoosi u taalaa in ay dheereeyaan.
Ciidanka Tegrayga marka
hore haba jirto in gacanta sare laga yeesho waayo kuma talogelin difaac in ay
ka galaan xadka dhinaca Amxaarada gebi ahaanba. waxase jiri kara arimo laga
yaabo in ay ku xisaabtami karaan oo iyaga dhinacooda caawinaya. Waxa ka mid ah dagaal jabhadeedka oo
waayoaragnimo dheer ay u leeyihiin una diyaarsan yihiin sidii ay ciidamada
cadowga ugu burburin lahaayeen gudaha gobolka Tegray marka ay gudaha u soo
galaan. Ta kale dabeecdda adag ee dhulka buuralayda ah ee Tegray lafteedu way
caawinaysaa halka ciidanka cadawgooduna uu kala kulmayo dhibaato wayn. Dadka
degaanka ee lagu dhex dagaalamayaa waa dadkoodii oo iyaga ayay si walba u
taageersan yihiin ciidamada dawladdana waxay u arkaan cadow ku soo duulay.
Dhinaca kale gobolka
Tegray waxa ku nool dadwayne ka badan lix malyan oo rayid ah kuna go’doonsan
laydhkii iyo warisgaadhsiintiina laga jaray,
dhibaatooyinka dagaalka ka soo gaadhayaana u dheer yihiin. Mudadii yarayd
ee dagaalku socday qaxooti 30,000 ku dhaw ayaa gaadhay Sudan waxana lagu
qiyasay qaxootiga maalin kasta ka gudbaya xadka Sudan ilaa 5000 oo qof oo maato
iyo maxas ah. In kasta oo dagaalku maalmo uun socday hadana durba Qaramada
Midoobay iyo Bulshada Caalamka waxay werer badan ka muujiyeen dhibaatooyinka
dhinaca bani aadminimada ee ka dhalan kara dagaalkan. sidaa daraadeed waxay ugu
baaqeen dawladda Itoobiya in ay joojiso
dagaalka wadahadalna lagu dhameeyo khilaafka balse dawladdu way ku gacan saydhay iyadoo ku
sababaysay in taasi ay caawinayso madaxda gobolka ee ka talo goostay Dawladda
Federaalka iyo Itoobiya intii kale iyadoo. Dawladdu waxay ku dartay hadakeeda
in dagaalku aanu joogsan doonin ilaa gacanta lagu soo dhigayo madaxda gobolka
Tegray ee ka falaagoobay taasina uma eka wax dhacaya.
TPLF waxay ka soo jeedaa jabhadii labaad ee ugu awoodda badnayd jabahdihii ka
adkaaday ciidamadii Dergiga xiligii Mingisto ee hormoodka ka ahaa isbedelkii
1991ki. Ka dib burburkii Dergiga Jabhaddii EPLF ee Calatariya oo iyadu 30
sanadood muddo ka badan u soo dagaalamaysay madaxbanaanida Calatariya waxay
markiiba gacanta ku dhigtay dhulkoodii ay u soo dagaalamayeen muddada dheer ee
Calatariya, halka Itoobiya inteedii kale ay qabsatay TPLF iyo kooxo yaryar oo
taabacsanaa. Etoobiya markaa muddo ka badan labaatan sanadood waxa ka talinayay
oo awoodda ugu badan ku lahaa TPLF oo ahayd jabhadii qoomiyadda Tegray.
Muddadaasi dheer waxay kasbadeen dhaqaale iyo hub iyo saanad tiro badan waxanay
isugu geysteen gobolkooda Tegray oo si gaar ah ay ugu sedburinayeen una horumarinayeen.
Tan kale Khilaafka Dhaamka
Wayn ee Itoobiya oon ilaa hadda wax heshiis ah laga gaadhin ayaa suurgal ah in
laftiisu uu saamayntiisa ku yeelan karo iyadoo dalka Masar gaar ahaan uu u arki
karo dagaalkan fursad uu cadaadis dheeraad ah ku saari karo Itoobiya.
Dhawr todobaad ka hor
markii lagu soo kala kacay kulankii ugu dambeeyay ee sadex geesoodka ahaa Sudan
iyo Masar waxay wadajir u cadeeyeen heshiis iskaashi oo dhinaca milatariga ah
in ay kala saxeexdeen. Labadii maalmood ee ugu horeeyay dagaalka Tegray
saraakiisha milatariga ee Masar iyo Sudan hadana waxay sheegeen in ciidamada
milatariga ee labada dal, gaar ahaan ciidamadooda cirku ay carbis milatari iyo
dabcan dhoolatus ku wada samayn doonaan dalka Sudan. Taas oo loo qaadan karo
fariin iyo digniin ku socota Itoobiya xili uu ka socdo dagaal. Markaa waa
suurogal in Masar ay si uun fargelin ugu yeelato dagaalka ka socda gobolka
Tegray iyadoo caawinaysa TPLF.
Maxaa xal ah
Ciidamada dawladdu waa
suurogal in muddo kooban guulo tabeed oo xadidan ay ka soo hoyn karaan goobaha
dagaalka ay balse guulahaasi ma noqon karaan wax ka badan guulo tabeed oo ku
kooban goobaha dirirta maalmaha hore. Guusha rasmiga ahina waa guusha kama
dambaysta ah ee hawlgalkani ku xaqiijin karo ujeedadii laga laga lahaa hadii uu
xaqiijin karo. Markaa maxaa xal ah maxayse noqon kartaa natiijada ka dhalan
karta dagaalkan? Waxa jira sadex sinaariyo oo laga fakari karo.
Ta koobaad waa sida uu
yahay ku talogalka Abye Ahmed in dagaalku ku soo afjarmo muddo kooban oo
todobaadyo aan ka badnayn (ilaa 8 todobaadba dheh) oo ciidanka Tegraygu ay is
dhiibaan hubkana dhigaan madaxda gobolkana gacanta lagu soo dhigo si maxkamad
loo hor geeyo madax cusub oo la jaanqaadda isbeddelka uu hogaaminayo Abye
Ahmedna lagu bedelo kuwii hore.
Sinaariyaha labaad waa Abye Ahmed oo fakara laba goor marka ugu horeysa uu ogaado in arinku aanu ahayn sidii uu malaynayay ka dibna dhinac kale ugu wareego oo ah in dagaalka uu joojiyo ogolaado wadahadal iyo in la dhexdhexaadiyo Xukuumadiisa iyo madaxda Dawlad Degaanka Tigray, sidii ay kula taliyeen Qaranada Midoobay iyo bulshada caalamku markii horeba.
Sinariyaha sadexaad waa ka
baqaha ugu badan laga qabi karo hadii labada sinaariyo ee horey midna suurtogal
noqon waayo.
Marka dagaalku dheeraado
waxa dhici karta in aanu ku ekaanin gobolka Tegray ee isu rogi karo dagaal
sokeeye oo qoomiyadaysan Itoobiya oo dhanna saameeya, ugu damaystana xaalku
gaadho in Itoobiya ay kala daadato oo qoomiyadaha qaar ay ku dhawaaqaan in ay
ka baxeen federaalkii ay kula jireen Itoobiyoka ka dibna taasi noqoto tusbax
furmay. Taas oo hadii ay sidaa u dhacdo Raisul Wasaare Abye Axmed xaalkiisu ku
dambayn doono in uu noqdo Gorbachev-kii Itoobiya markaa khariiradda Itoobiya
iyo khariidadda Geeskuna ay isbedeli doonto. Sadexdaa sinaariyo ayay mid
natiijada dagaalka ka socda gobolka noqonaysaaye bal ha laga dhursugo tay ay noqoto