“Shacabka Somaliland Waa Tudhataal Aan Iyaga Loo Tudhin” Qalinkii Xuseen Adan Cige (Deyr).

Xuseen Aadan Cige Dayr.

Bulshada JSL waa shacab aad u qiima badan, nabad jecel, aad u dulqaad badan oo u hoggaansama awaamiirta madaxdooda. Waa bulsho iyagu dhexdooda isku naxariista, isku tudha oo is kaalmeeya. Sidoo kale, waa bulsho had iyo jeer muujiya tudhaale iyo lexejeclo ay ka qabaan wax kasta oo ay ku hagaagayaan danaha iyo maslaxadda Qaranka JSL.

Haddaba akhristow, waxa jirta tudhaale la’aan xididaysatay oo noocyo badan leh oo haysata guud ahaannba shacabka Jam Somaliland. Qofkii u kuur galaana meelo badan ayuu ka dareemi karaa tudhaale la’aanta bulshada. Bal u fiirso tusaalayaasha soo socda:

  1. Ganacsatadu bulshada JSL ee ay ka hodmeen, ugama tudhaan sicir bararka iyo kordhinta qiimaha maciishada, gaar ahaan kuwa dan yarta ah,

 

  1. Dhakhtarrada ganacsiga ah iyo xirfadlayaasha caafimaadku uma tudhaan bulshada bukaanka ah, gaar ahaan kuwooda dan yarta ah,
  2. Goobaha Waxbarashada ganacsiga ah uma tudhaan bulshada dan yarta ah iyo kuwa aan awoodin in ay Waxbarashada iska bixiyaan,
  3. Shirkadaha Korontadu uma tudhaan bulshada ay u adeegaan, gaar ahaan kuwa dan yarta ah,
  4. Shirkadaha Is-gaadhsiintu uma tudhaan bulshada ay ka hodmeen, gaar ahaan kuwa dan yarta ah,
  5. Baananka gaarka loo leeyahay bulshada ugama tudhaan dul-saarka la socda daynta ay bixiyaan, dul-saarkaasi oo ah mid aad u sarreeya (12%),
  6. Shirkadaha Shidaalku uma tudhaan beeralayda iyo gaadiidlayda, gaar ahaan kuwooda dan yarta ah,
  7. Wadayaasha Basasku ugama tudhaan rakaabka ay sidaan, gaar ahaan ardayda da’da yar ee ay ka soo qaadaan Iskuullada,
  8. Loo shaqeeyuhu uma tudho shaqaalaha, hoosna uma eego xuquuqda ay ku leeyihiin,
  9. Xil-sidayaashu (heer kasta) uma tudhaan kuwa ay xilka u hayaan,
  10. Ku sii dar meelaha kale ee ay kaaga muuqato TUDHAALE LA’AANTA SHACABKA.

HADDABA, MA KUU MUUQATAA IN SHACABKA SOMALILAND AY YIHIIN TUDHAYAAL AAN IYAGA LOO TUDHIN!?!?

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com