Soo Shaac Baxa Cusub Ee Aragtida Khawaarijta

Cabdilaahi-Beershiya-Hayaannews

Markii ay  kooxihii Khawaarijta arigtiyohoodu burbureen waqtiyadii hore ee Islaamka   ee ay  isku bedeleen sheekooyin barisamaadkii la soo dhaafay ayaa waxa ay  taariikhyahanadu inoo sheegeen in fikirka siyaasadeed iyo diineed ee ku dhex aasnaa kutubta diintu uu dhabo u noqday dadka doonaya inay durduriyaan wadooyin qodax leh oo ay ku libidhsan yihiin aragtiyahan guracan.

waxaana istaadha  fikradahaasi gaboobay marka la helo cid doonaysa oo ku baaqaysa wax ay ugu yeedheen cusuboonaysiin iyo nooleyn.

Baaq kasta oo soo baxa oo sheegaya in wax dib loo nooleeyo waxa sababa laba shardi mid uun:

  1. Inuu jiro arrimo siyaasadeed oo mideeya cidda isku fikirka ah sida inay xadgudubyo siyaasadeed jiraan, dulmiga, xadgudubyada maamulka, diinta ku dhaqankeeda oo laga tago, diinta oo noqosha dadka lagu cidhiidhiyo iyo dacwada oo cidhiidhi la geliyo.
  2. Inay jiraan hoggaamiyayayal awood badan leh oo dhallinyaradu ku soo hirato kadibna dhansiiya dhallinyaradaasi fikirkoodii Khawaarijnimada ahaa kadibna ugu baaqa inay qoriga qaataan is ay iskaga dhiciyaan waxyaabaha ay dulmiga u arkayaan……

Qoraalkani waxa uu ku qoran yahay buug lagu magacaabo المدارس الفكرية الإسلامية من الخوارج إلى الإخوان المسلمين

Amma Kooxaha Islaamka Wada sheegta iyo Dugsiyada ay ku kala abtirsadaan laga soo bilaabo Khawaarij ilaa Ikhwaanka…

Waxa buuggan qoray aqoonyahan reer Masar ah oo lagu magaaco Maxamed Salim Cawa……

Haddii Alle Idmo turjumid ayaan ku wadaa waxaanan ku rajo weynahay inuu soo baxo nuska labaad ee sannadkan 2023…..

Cabdilaahi-Beershiya-Hayaannews

Cabdilaahi Beershiya