Soonka iyo Taariku Salaadka

Salaadda waxay ka mid tahay guud ahaan marka laga hadlayo cibaadada kuwa ugu muhiimsan, waana marka laga eegayo tiirarka Islaamka. Waxaa salaadda lagu soo waajib yeelay samada ama cirka, waxayna ahayd habeenkii Nebi Muaxammad (scw) la dheelminayay, Sababta loogu beegay waajibinta salaadda cirka ama samada ayaa ka tusinaysa ahmiyad goonni ah oo ay wadato salaadda. 

Maadaama aan sidaas u soo aragnay ahmiyadda ay u leedahay ilaalinta iyo xifdinta salaaddaa, sidoo kale-na aynu soo aragnay siday ummadihii hore iyo nebiyadoodiiba ay u ilaalin jireen salaadda, ayaa wuxuu haddana qur’aanka gooddi daran u jeedinayaa kuwa iyaga aanan ilaalin salaadda, isla mar ahaantaana aan waqtigeeda ku tukan, ama-ba aan gebi ahaanba u tukan. Wuxuu Eebbe (sw) isaga oo uga digaya kuwaas aanan ilaalin waqtiyada salaadda ku yiri “halaag waxaa u sugnaaday kuwa tukanaya (ee munaafiqiinta ah), ee haddana halmaansan salaaddooda” 

Haddii aynu sii milicsano ahmiyada salaada, waxaa hubaal ah inaan arkayno iyada oo uu Rasuulka (scw) ka dhigayo salaadda waxa lagu kala sooco qofka muslimka ah, iyo kan aan ahayn. Xaddiis uu werinayo Imaam Axmed iyo Muslim iyo sidoo kale Asxaabu-sunanku, wuxuu Rasuulka (scw) yidhi “qofka iyo shirkiga iyo kufriga waxaa u dhaxeeya salaadda qofkii laga waayaana waa Kufri”. Xaddiis kale oo saxiix ah, ayna werinayaan imaamyada shanta, wuxuu Rasuulka (scw) yiri “ballanta annaga (muslimiinta) iyo iyaga (gaallada) noo dhaxeysa waa salaadda, qofkii ka taga-na waa gaaloobay”.

Rasuulku (scw) isaga oo ka sii ka hadlaya mustaqbalka uu ku danbeyn doono qofka xifdiya oo ilaaliya salaadda iyo kan aan ilaalin ayaa wuxuu yidhi “qofkii xifdiya (salaadaha shanta) waxay u noqon qofkaas (aakhiro) iftiin, xujjo iyo nabadgelyo maalinta qiyaamaha, qofkiise aan xifdin (salaadaha shanta) uma u noqoto qofkaas (aakhiro) iftiin, xujjo iyo nabadgelyo-ba, wuxuuna noqonayaa qof maalinta qiyaamaha la la soo xaadiriyo Qaaruun, Fircoon iyo Haamaan (wasiirkii Fircoon) iyo Ubayu Binu Khalaf”. Culumada islaamka waxay iyaga oo xaddiiskan fasiraya yidhaahdaan “qofkay hantidiisu salaadda ka mashquuliso wuxuu noqonayaa (qiyaamaha) la-jirka Qaaruun, qofkay boqortooyadiisu salaadda ka mashquuliso wuxuu noqonayaa la-jirka Fircoon, iyo qofkay madaxtinimo iyo hawlo wasaarado ay salaadda ka mashquuliso wuxuu noqonayaa la-jirka Haamaan, iyo ugu danbeyntii qofkay ganacsigiisu salaadda ka mashquuliso wuxuu noqonayaa la-jirka Ubayu Binu Khalaf.

Hadaba iyada oo ah ahmiyadu Salaadu sidaas tahay oo qofka mar kasta laga rabo, bal ka waran bisha Soon. Waxaa jira dad badan oo muslimiinta ka mid ah oo sooma laakiin aan tukan, sidaa awgeed ayaa waxaa laga yaabaa in dadka qaarkood ay iswaydiiyaan sidee ayuu noqonayaa dadkaa soonkoodu, ma soon dhamaystiran oo Ilaaheey aqbalayaa mase…? Su’aashaa waxaaan leenahay: Islaamku waa mid is-haysta oo aan kala goo-go’i karin, sidaa awgeed waxaa ruuxa muslimka ah ku waajib ah inuu waajibaadka oo dhan ula yimaado sida ay yihiin, si uu u helo Ilaaheey raalli ahaanshihiisa, uguna guulaysto naxariistiisa. Tiirarka Islaamka oo shanta ahina waxay la mid yihiin dhisme dhamaystiran, wuxuuna Rasuulka SCW ku tilmaamay salaadda in ay tahay dhismahaa tiir-dhexaadkiisa ama laf-dhabartiisa, waxayna cibaadooyinka kale dheertahay ahmiyad wayn oo dheeraad ah, qofkii iyada ka tagaana wuxuu noqonayaa qof dhismahaa dumiyey.

Qofkii salaadda ka tageyna haddii uu rumaysan yahay in aanay salaaddu waajib ku ahayn aanu ahayn qof Islaamka dhowaan soo galay oo ka jaahil ah iwm, wuxuu noqonayaa mid gaaloobay, oo xerada Islaamka ka baxay, laakiin haddii uu aaminsan yahay in salaaddu waajib ku tahay laakiin aanu xaqqeeda ka soo bixin wuxuu noqonayaa mid faasiq ah, oo Iimaankiisu daciif yahay, Islaam-nimadiisuna kala dhiman tahay, haddii uu markaa la yimaado soonka waxaa ka dhacaya soonkii laga rabey, oo aakhiro loo ciqaabi maayo soon la’aan awgeed.

Laakiin wax ajar iyo fadli ah oo uu sugayaa ma jiraan, in Ilaaheey uu isaga naxariisto uun ma ahane. Ilaaheeyna ha ka cabsadeen dadka soomaya oo aan salaadda tukanaynin, hana xasuusteen ciqaabka wayn oo loo diyaariyey dadka salaadda ka taga, waxaana lagama maarmaan ah in la ogaado in qofku wax kasta oo wanaag ama xumaan ah oo uu la yimaado in mid walba buug gooni ah loogu qorayo, oo uu ajar ka helayo wixii uu si fiican u guto, wixii uu ku xad gudbaana dushiisa ay noqonayaan, sida uu Ilaaheeyba u yidhi: “Qofkii camal fala oo sameeya xabad Hadhuudha ah wax leeg (amaba ka sii yar) oo khayr ah wuu arkayaa (aakhiro oo waxba la duudsiin mayo), qofkii sameeya intaa wax la’eg oo xumaan ahna wuu arkayaa, oo waa la soo hor-dhigayaa”.

Waxa kale oo jira dad bisha Ramadaan Habeenkii oo dhan soo jeeda, maalintii oo dhana hurda, waxa uu soo kacayaa xilliga Afurka oo uu dadka dhinac ka raacayaa, salaad iyo camal kale midna ma jiro, wuxuu soo kacayaa xilliga wax la cunayo.

Soonka ma aha hurdo ee waa in Taqwo la korodhsadaa. Soonku waxa uu ina barayaa Samirka. Soonka waxa lagaga faa’iidaystaa iska daynta waxyaalaha xun-xun, siiba dadka ku ibtilaysan sigaarka iyo qaadka. Nebiguna (CSW) waxa uu yidhi “Qofkii Ilaahay dartiis uga taga shay xaaraam ah, Alle waxa uu ugu beddelayaa wax ka qayr badan’’.