South Sudan, Guurku Gabadha Waxa Uu Uga Dhigan Yahay 4-Sanno oo xornimo Ah.

Qabiilka dhingaha la yidhaah ee South sudan degaa waxa ay caado u leeyihiin inay gabadha ku meheriyaan meher u dhaxeeya 100-500 oo neef oo lo’a ah.

Isla marka gabadhaasi la guursadana waxa ay gabadhu helaysaa xornimo balaadhan oo ah in muddo 4 sanno ah ayna wax shaqo ah gurigeega ka qaban hadday tahay cunto karin, nadaafad iyo wixii la hal maala, waxa loo yaqaan (soo dhawayntii gobonimada ahayd).

Muddadan waxa ay gabadhu si wacan u baranaysaa dhaqamadda iyo dabeecadaha odaygeega, waxaana shaqada guriga u qabanaya dumarka la dhashay ninkeega.

Afarta sanno marka ay dhamaadaan waxa xaaska loo qabtaa xaflad weyn oo dabaal deg loona yaqaan xafladdii wax karinta ( cooking festival), halkaasi oo la qalo saddex sac iyo shan riyaad oo xaaska ninku ku bilowdo wax karinta, kuna casuunto ehelka iyo xididkeega.

Waxyaabaha cajaa’ibka ah ee dhaqanka u ah dhingaha ayaa waxa kamid ah in haddii 4 taas sanno guddaheega ninku si xun gabadha ula dhaqmo inay gabadhu iska furi karto, misena aan loo raacanayn wax meher ah iyo qarashkii laga bixiyay toona.

Mohamed Biixi

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: hayaannewsonline@gmail.com