“Wakhti siiya Xubnaha Baarlamanka iyo Xukuumada” Ambassador Kaysar:

Shaqo kasta oo ku cusub qofka aadamiga ahi waxay u baahan tahay wakhti uu ku barto, kuna fahmo si uu ugu guto sida saxda ah ee laga rabo inuu u guto shaqada loo diray. Waxaa kale oo jirta in ay aad u kala duwan tahay sawirka guud ama fikirka uu qofku ka haysto shaqada marka uu debada ka joogo iyo marka uu shaqada bilaabo ee uu dhex galo.

Xubnaheena Baarlamanka oo ah xubno sharaf leh, una badan dhalinyaro aqoon fiican leh, waxa garbaha u saaran masuuliyad aad u culus, waxaana xubin kastaa uu ku hamiyayaa xaqiijinta himilooyinka waaweyn ee ay ka filanayaan dadkii soo doortay, sidoo kale waxaa jira dareen culus oo aad u weyn oo qalbiyadooda iyo maskaxdooda shidaya xubnaha cusub oo ah xaqiijinta guulo waaweyn oo dhakhso ah si ay Shacbiga u tusaan inay yihiin kuwo aan lagu hunhoobin oo gudanaya waajibkii loo doortay.

Hadaba cusaybka shaqada iyo culaysyadaas saaran ee aan tilmaanay waxay horseedi karaan inay khaladaad ka dhici karaan, taasina waxa waxa ay keeni kartaa in si aan ku talo-gal ahayn oo aan cidna qorshayn oo hab kama’a ah ku dhalata ay geeska isu gelin karaan Xukuumada oo iyada lafteeda ay dhici karto inay dareen ama didmo ka qabi karto Golaha Wakiilada ee cusub ee Mucaaridku uu hogaaminayo. #Hayaannews

Si hadaba loo helo Gole Baarlaman oo si sax ah u guta waajibaadkooda iyaga oo Xukuumada kala shaqaynaya hawlaha ay Qaranka u hayso, waxaa waajib ku ah oo loo baahan yahayn in Xukuumada iyo Baarlamanku ay noqdaan kuwo isku duuban oo si bilaa khilaaf ah uga wada shaqeeya danaha Qaranka, iyaga oo kala madax-banaan oo dhinac kastaa uu ku shaqaynayo nidaamka uu dastuurku u dejiyay.

Waxaa kale oo aad u muhiim ah in Xubnaha cusub ee Golaha Wakiiladu ay ka fogaadaan degdega iyo inay raacaan sanqadh kasta ama buuq kasta oo dhanka Xukuumada laga soo sheego. Tusaale ahaan haddii ay Laamaha Amniga Qaranku ay xidhaan muwaadin ka mid ah shacbiga, waa in laga fogaadaa in markiiba warbaahinta lagu yaaco oo la yidhaa maxaa loo xidhay qofkaas.

Suurto-gal maaha inay Laamaha Ammaanku TV yada soo fadhiistaan oo qof kasta oo ay xidhaan ay warbaahinta ka sharraxaan, sidaasi mahaa wax suurto gal ah, waxaanay wax u dhimaysaa shaqada ay inoo hayaan laamaha Ammaankeena ee geesiyaasha ah ee habeen iyo maalinba usoo jeeda ilaalinta Nabadgelyada Dalkeena.

Hubaal waxa ah in ficilada ka muuqda Xildhibaanadeena cusubi ay yihiin wanaag muujinaya inay doonayaan inay u shaqeeyaan Dadkooda iyo Dalkooda, waxa keliya oo ay u baahan yihiin inay taxadir badan iyo degenaansho badan ay muujiyaan.

Danta Dalkeena ayaa ku jirta Baarlaman iyo Xukuumad gacmaha is qabsada oo si middaysan ugu shaqeeya Qarankeena, kana fogaada khilaaf aan dani ugu jirin Dalkeena.

Somaliland ha Guulaysto

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com