Waraaq ku qor oohintaada: Maarayn Dhammaystiran Oo Murugada Lagaga Bixi Karo!

Heestan “Waraaq ku qor oohintaada” ee uu curiyay abwaanka iyo qoraaga laba-midigleha ah ee ka dheellitiran qoraalka tiraabta iyo curinta tixda ee Cali Ileeye waa jid dhan oo lagu maarayn karo mushkilado qofku qarsan lahaa, iyaguna qulub sii gelin lahaa. Inaad dhibta la wadaagto cid kuu naxaysaa, wakhtiga ku qaadato sheeko iyo illawsiin, haddii la waayana la isku dhaafiyo warqad iyo qalin; waa jid dadka ka caawinaya inay walbahaarka ka samatabaxaan.
Ugu dambayn waxa waxtar ah in qofku Alle u noqdo oo Weynaha weyddiisto in uu werrwerka ka dulqaado, qof Ilaahay baryayna ku qadi maayo. Haa, in qofku dejiyo xiskiisa, maankiisa iyo niyaddiisuna waa tallaabo dhalin karta in laga soo reeyo xaaladihii adkaa ee qofka jeexjeexay. Cali Ileeye waxa uu ka mid yahay foolaadka qalinleyda iyo maansayahannada labadaba. Qofku hadduu labada gacmood mid u awood badan; halabuurkani laba hibo ayuu isku darsaday.
Waxa uu yidhi:
Dharaar welwel uu ku fuulay
Walaacyadu waa culayse
Waayaha ha ku haysan laabtee
La qaybso walaal dhibtaada
Habeen walbahaar da’aayo
Daruuraha wahabka keena
Markuu waqalkoodu hooro
Guryaha wehelkaaga booqo
Qof aad la wadaagto sheeko
Adduunka haddaad ka weydo
Qalinku nafis buu wataaye
Waraaq ku qor oohintaada
Ayaamuhu waa wareere
Haddii dhulku kula wareego
Cirkaa garab laga wacdaaye
Wardiga xadhiggiisa hayso
Wakhtiga adag ee hadheeye
Hadday kashu weyraxayso
Qalbiga waanwaan la qaado
“Wanaaji” dheh maalmahaga
Qof aad la wadaagto sheeko
Adduunka haddaad ka weydo
Qalinku nafis buu wataaye
Waraaq ku qor oohintaada