XABAALAHA CEELSAME

Inta badan ma dhaafo haddii aan ku soo baxo goob xabaalo ku yaalliin. Marka laga tago in ay tahay cibroqaadasho, waxa ay dugsadaan dhiroon laga yaabo in ay ku yaraadeen dhulalka ay cagtu ku badato badankooda. Dhirtaas waxa laga yaabaa qaarkood, oo u badan kuwa sida fudud ciidda u qabsada sida dacarta, haadaanta/xasaadin iqk, in xilliyo hore ulajeeddo loogu taagay. Haaheey! waxa aan xabaalaha qaarkooda guudkooda iyo agagaarkooda ugu tagaa dhir-goonniyaad meelo kale halis lagu geliyay.

Halkani waa muuqaal aan ka qaaday xabaalaha Ceel-same. Hase yeeshee, marka laga tago dhirta damasha ah ee qudhaca u badan, maan arag dhir ku tamarisay (marka laga tago hal Dacar-dhegweyn ah oo xabaal ku dul qotonta mooyee. Waxa aan ku sababeeyay, ka sokow in goobtani u dhowdahay ceelashii tuulada iyo meelihii xoolaha waraabka loo wado lagu hori jiray, in riyaha magaaladu cagta ku badiyeen – iyaga oo naawila dhaameelka dhirta dabayshu ka soo riddo.

Dhismeyaashaa meesha ka muuqdaa waxa ay tilmaamayaan xabaalo iyo qudbi culimo hore. Waxa caan ahaan jirtay in xabaalaha culimadii hore calan laga taagi jiray, se beryahan dambe oo dhaqankaasi si tirtirmayo, in mararka qaar ay dad kaba furtaan!  Waxa se la yaab leh in xabaal ka mid ah la sudhay calankii Somaliland!  Dhacdadan oo kale waxa aan ku arkay goob-xabaaleed kale oo ku taalla tuuladii Hudiso – siiba halkii ay Hudisadii hore ahaan jirtay.

Baahida ugu mudan ee xabaalahan ku muuqataa waa waa xayndaab la’aan. Ta labaadna aynnu isku biirsanno ducadoodu. Allena ha naxariisto dhammaantood.

WQ: Ahmed Ibrahim Awale

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com