Xoriyada Shaqsigu Waa Shay Muhiim Ah, Oo Lama Taabtaan Ah. Qalinkii Amb Mohamed Ismail Balishire

(FREEDOM OF EXPRESSION HAS NO LIMITATIONS.)

Horta maqaalkani waa kii iigu danbeeyey ee aan idinla wadaago, khaasatan ciyaalkan yaryar ee canaasiirta ah ee qabyaalada xisbiyeysani ay madax martay. Ee aan Aduun iyo aakhiro midna aan war u hayn.

Waxa nasiib daro ah in ciyaalkan yaryar ee canaasiirti in ay xisbigii qaran ee wadani in ay kaba dhigteen sidii uu yahay Xisbiga ka taliya dalka Waqooyiga Kuuriya (North Korea) oo kale oo qofkii soo galaa aanu ka bixi karin xisbigaas ilaa dhimasho mooyaane.

Horta waxaad kala barataan oo aad aabayaashiin aad soo waydiisaan oo aad ku tidhaahdaan. (Aabo, hadii qof soo galo xisbigeena, maka bixi karaa? Markaas Kadib ha qarsanine jawaabte. Fadlan dadka la soo wadaaga jawaabta ay aabayaashiin idin soo siiyaan.

Dadka inta wax fahmaysa waxaan u sheegayaa. In qof kastaaba uu xor u yahay xisbiga uu ku biiraayo iyo meesha uu aadaayo intaba. Ilaahoow haduu rabo haku biiro xisbiga ka taliya dalka Yuhuuda ee loo yaqaano (The Likud Party)

Qofka hadaba saluugsan go’aanka uu qaatay Xildhibaan Jamal Adan Diriye, isaga ayuu dhaliili karaa, xisbiga uu ku biiray ayuu dhaliili karaa, dadkii cidka siiyey ayaa dhaliili kara, way u iman karaan waaba lays qancin karaa. Laakiin in meelahaas laga soo qayliyo sharaf kuma jirto. Waxa xataa la dhaliili karaa xisbiga uu Jamaal ku biiray hadii uu wax uu ku dhaamo xisbigaas uu meesha ku hayo.#Hayaannews

“There is many doors open out there, as a matter of fact.”

Laakiin xaq maaha in beel dhan oo balaadhan oo waxay gudo iyo waxay gashaba la yaqaan, in ciyaal yaryar oo canaasiiri ay ku far bartaan, oo ay ku faygaraan oo ay cay iyo aflagaado aanay beeshu geyin halkan ku soo matagaan.

Xildhibaan Jamal Adan Diriye waa la dhaliili karaa, oo maanta siyaasi ayuu noqday waana u diyaar in la dhaliilo. Isagaanay u taala sida uu isku difaacayo oo beesha uu ka dhashay ee Isaxaaq Carre, ma difaaci doonto. Horta waa in sidaas wax loo kala fahmaa. Oo aan aayar oo dhalatay layska caayin beel dhan oo Sheikh iyo Sharif intaba leh.

Horta taas ayaa keentay in aniguna aan idin kula soo hadlo luqad adag oo aan idin raali gelin oo canaasiir badan hurdo la’aan ku riday.

Dabcan dadku waa wada walaalo, waana la wada dhashay oo taas cidna loo sheegi maayo. Waanay ku mahadsan yihiin dadkii sharafta iyo karaamada lahaa ee ka tirsan xisbigan Wadani ee dal iyo dibadba igala soo wada hadlaayey. Ilaa xalay ilaa habeen hore. Aadna waan idiinku mahad naqayaa dhamaantiin.

Laakiin in ixtiraam daro meesha soo gasho oo beel dhan magaceeda dhulka la jiid jiido, runtii maaha wax la aqbali karo. Markaas taas waa in la ogaadaa.

Ciyaalkan yaryar ee canaasiirta ah iyagana midbaan leeyahay. Horta nta aydun marka hore aad cayda iyo aflagaadada bilowdaan in aydun marka danbana aad cabaadaan. Labadaas isma qabato yaa ayuhal canaasiir. Hanoqonina hasha geela cunta ee hadana cabaada. Horaana loo yidhi. ” Ha Noqon Hasha Geela cunta ee hadana cabaada ”

Ugu danbayntii Waxaan qoraalkaygan aan kaga baxayaa. Oo ah Qoraalkii iigu danbeeyey ee aan arintan aan kaga soo hadlo.

Dadka aanu asxaabta khaaska ah aanu nahay ee cid kastaba leh, ee ka tirsan xisbigan Wadani dal iyo dibadba waan ka raali gelinayaa, wixii gef loo arkay ee ku qornaa maqaaladaydii hore ee aan soo dhigay halkan.

Ugu danbayntii waxaan ku soo gaba gabaynayaa… Waa Gabaygii uu tiriyey, ilaahay naxariistii janno haka waraabiye. Waa Gabayaagii weynaa ee qarniga. SALAAN CARABEY. Wuxu yidhi… ”

ISKABA HADHAY, AAKHIRABA WAA LAMA HURAANKIIYE”

Finally, you must know and acknowledge this, in order to move forward:

“POLITICS HAS NO PERSISTENT AND RELIABLE FRIENDSHIP TO BE SERIOUSLY CONSIDERED WITH. BUT IT INDEED HAS A REAL AND PERPETUAL INTEREST TO BE RECKON WITH. AND THAT’S WHAT POLITICS IS ALL ABOUT AS A MATTER OF FACT.”

Qalinkii: Amb Mohamed Ismail Balishire

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com