17 Qof Oo Ku Dhaawacmay Rabshado ka Dhacay Magaalada Boorame.

Boorame(Hayaannews): 17 qof oo isugu jira shacab iyo Ciidanka amniga ayaa dhaawacmay, kadib markii ay maanta rabshado ka dhaceen Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka AWDAL.

Rabshadahan ayaa ka dhashay kadib markii ay ciidamada amnigu rasaas fureen sida ay sheegeen goob-joogayaal. Ugu yaraan lix shacab ah iyo 11 ka tirsan ciidamada amniga ayaa la sheegay inay rabshadahan ku dhaawacmeen.

Rabshadan ayaa imanaya maalmo kadib markii askari dhowaan lagu dilay magaalada Lawyacadde. Askariga dilka geystay ayaa maxkamad milatari ahi ay dil ku xukuntay inkastoo aan weli la fulin.