“Xukuumadda Waxaan U soo jeedinayaa Yaan Gefaf gacantu la qabsatay Booramana idinkaga Dhicin…..” Xildhibaan Mukhtaar Xasan Maydhane.

Xildhibaan Mukhtaar Xasan Maydhane Hayaannews

Boorame(Hayaannews): Xildhibaan Mukhtaar Xasan Maydhane oo ka mida mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa fahil maamul ku tilmaamay mudaharaadkii sababay dhaawaca dhowr iyo tobban qof oo isugu jira Shicib iyo ciidanka amniga.

“Caddaalad la daahshaa, waa caddaalad-darro. Maantaba sagaal baa ugu dhaawacmay mudaharaadka Boorama ee ka dhashay baaqashada Maxkamaddii Derajada 2aad ee dhegaysan lahayd dacwadda dilkii marxuum Xabeeb. Hawsha u taal Badhasaabka iyo Maayarku ma aha dadweyne loola badheedho ereyo qadafee, waa dammaanad-siinta iyo dejinta dhibanayaasha. Waxa u yaalaa waa inay kala dhexgalaan ciidanka iyo bulshadu inaanay isku dhicin. Intaabana way ku fashilan yihiin mar haddii ilaa mar dhawayd xabaddu ka dhacayso Boorama.

Waxa xusid mudan in dilkan ay fidnadu ka dhalanayso aanu ahayn mid uu khilaaf ku jiro. Baraha bulshadana waxa ka buuxa sida ay uga garaabayaan dadka ay isku haybta yihiin ciddii dilka loo haystay iyo weliba sida ay raalida dhankooda uga yihiin wixii dhibanuhu ku bogsoonayo. Inkastoo arrin dil aanu fududayn sidiisaba, haddana mar baa gartiisu aanay murugsanayn. Kiiskanina haddii midba ku sifoobi karo sidaa, waa kii ugu sahlanaa. Waxa ka muuqda labada hayb ee ay ka soo kala jeedaan xadhig-debcin badan.

Ayaandarro se, meesha waxa yaal waa fashil maamul.Fashilka maamul ee meesha yaalaa waa kaa dil aan khilaaf lahayn sagaal ay maanta cusbitaalada Boorama inooga yaalaan. Fashilka yaala waa kaa ganacsatada ku leh gacantiina ula tega cidda mudaharaad kugu horqabata.

Saw lagama dhadhansan karo taladan ganacsatada dib loogu soo celinayo qirasho loola jeedo yaan la isku hallayn illeyn wax maamul ah oo idin kala dhex galaa ma jiraane. Waa qirashada inaan garaad kale lahayn oo aan ahayn kolka dadweynaha iyaga hala isku jeediyo.

Ugu dambayn, xukuumadda waxaan u soo jeedinayaa yaan gefaf gacantu la qabsatay Booramana idinkaga dhicin. Waa lama huraan in Maxkamadda Derajada Labaad ku dhegaysato dacwadda sida ugu dhakhso badan. Sidoo kalena, waa lama huraan in ciidanku xabbadda ka joojiyaan dadweynaha. Intii horena, xisaabtoodu way taal. Waa intaas cusbitaalada ku jirta waxa haybadda lagu leeyahay ee qaran lagu yahay. Kuwani ma aha “wax-ma-garato” sida masuuliyiinta qaarkood u haystaan!

Xildhibaan Mukhtaar Xasan Maydhane Hayaannews

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com