Mashruuc Ay Iska Kaashanayaan Somaliland Iyo Taiwan

Hargaysa (Hayaannews): Dawladaha Somaliland iyo Taiwan ayaa kala saxeexday mashruuc ay iska kaashanayaan oo lagu tayaynayo horumarinta wax soo saarka beeraha ee Somaliland.

Waxaana mashruucaasi maanta kala saxeexda agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha Somaliland iyo ku-xigeenka danjiraha dawladda Taiwan ee safaaradoodda magaaladda Hargaysa.

Mashruucani waxa uu kaga duwan yahay mashaariicdii hore wadanka looga fulin jiray dhawr dhinac, kuwaasoo ay ka mid yihiin inuu yahay mashruuc aanay cid kale ka wada caawinaynin Somaliland.

Balse uu yahay mashruuc iskaashi ah oo xukuumadda Somaliland iyo wasaaradda beeruhuna ay qayb ka qaadanyaan, isla markaana dawladda Taiwan iyo safaaradoodda Hargaysa-na ay qayb ku biirrinayaan.

Sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha Somaliland Rooble Cabdi Muuse, oo hadal ka jeediyay munaasibadii ay Taiwan ku kala saxeexanayeen iskaashigaasi.

Waxaanu yidhi, “Mashruucani waxa uu kaga duwan yahay mashaariicdii hore wadanka looga fulin jiray dhawr dhinac. Ma aha mashruuc ay ciddi ka wada caawinayso Somaliland ee mashruuc iskaashi ah, oo xukuumadda Somaliland iyo wasaaradda beeruhuna ay qayb ku biirrinayaan.Dawladda Taiwan iyo safaaradoodda Hargaysa-na ay qayb ku biirrinayaan. Waana mashruuc iskaashi ah.

Ta labaad ee uu kaga duwan yahayna in mashruucani uu aad u khuseeyo, wuxuu culayska saarayaa mid ka mid ah Tiirrarka horumarinta lagu sameeyo, kaasoo ah in aynu ka barrano Tabaha ama xirfadaha ay Taiwan u istcimaasho beerraha”.

Geesta kale dawladda Taiwan waa wadan dhul aan aad u yar, laakiin wax soo saarkiisa dhinaca beeruhu uu aad u fiican yahay. Waxaanay isticmaalaan hab lagu kordhinayo wax soo saarka dhulka.

Iyadoo la isticmaalayo dhul aad u yar hadana lagu dedaalayo in laga soo saarro dhulkaasi aadka u yar inta ugu badan ee wax soo saar ah ee ka soo bixi karta.

Sida uu tilmaamay Rooble Cabdi Muuse, “Mashruucani wuxuu inaga caawin doonaa ugu yaraan inta la beerro, sidee baa aynu uga soo saari karnaa, wax soo saarkoodda? Mashruucani waxa uu khuseeyaa waxa loo yaqaano cash crops-ka. Waxaa la samayn doonaa beer-bandhigeed (demonstration farm). Beertaasoo ay xirfad barashadu noqon doonto (practical and theory)” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha Somaliland.

Daah-furka mashruucaasi kobcinta iyo tayayna wax soo saarka beeraha ee Somaliland waxaa goob jog ka ahaa masuuliyiin ka kala socday safaaradda Taiwan ee Hargaysa iyo wasaaradda beeraha ee Somaliland.

Dhinaca kale ku-xigeenka safiirka Taiwan ee Hargaysa oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay sheegay in mashruucani uu qayb ka yahay saddex mashruuc oo ay dawladaha Taiwan iyo Somaliland iska kaashanayaan.

Waxaanu yidhi, “Jamhuuriyadda Taiwan iyo jamhuuriyadda Somaliland laga soo bilaabo ilaa bishii August ee sanadkii 2017-kii, waxay iska kaashanayeen mashaariic dhawr kala duwan.

Mashruucani waxa uu qayb ka yahay saddex mashruuc oo ay iska kaashanayaan dawladda Taiwan iyo Somaliland, kuwaasoo kala ah beerraha, caafimaadka iyo tignoolajiyadda”.

 

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com