SOMALILAND: Wasaaradda Beeraha Oo Hay’adda U Diyaar-garowga Masiibooyinka Qaranka Ku Wareejisay  Raashin Ah Dalagyadii Ka Soo Go’ay Banka Wajaale

Hargeysa (Hayaannews) – Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, ayaa Maanta Hay’adda u diyaar-garowga Masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka u wareejisay 2800 Kiish oo Raashin ah.

Raashinkan oo ka mid ah dalagyadii Wasaaradda Beeruhu ka beertay Banka Wajaale, ayaa ka kooban Qamadin, Gallay iyo Hadhuudh, ayaa Wasaaradda Beeruhu ku wareejisay Hay’adda NADFORD, si loogu daro Raashinka Kaydka ah ee Qaranka.

Munaasibad lagu qabtay Mashruuca Banka Wajaale ee Gobolka Gabiley, ayaa waxa hadallo ka soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed, Maareeyaha Hay’adda u diyaar-garowga Masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka Faysal Cali Sheekh Maxamed, Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Gabiley, Maareeyaha Wasaaradda Beeraha ee Mashruuca Wajaale iyo Madaxda Gobolka Gabiley iyo kuwo Degmada Wajaale.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay inay Wasaarad ahaan ku faraxsan yihiin inay arkaan wixii ay Wasaarad ahaan ku tabceen oo Qaranka loo kaydinayo, si mustaqbalka loo isticmaalo.

Wasiir Seed, wuxuu sheegay in arrintani ku dhiirigelinayso inay dedaalka sii laban-laabaan, si wax soo-saarka dalku u gaadho heer ka wanaagsan halka Maanta uu marayo, jiraana qorsheyaal badan oo horunarinta Beeraha ah.

Maareeyaha Hay’adda u diyaar-garowga Masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka Faysal Cali Sheekh Maxamed, oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa Wasaaradda Beeraha iyo Masuuliyiinteeda oo Wasiir Seed ugu horreeyo uga Mahad-celiyey Raashinka ah ku soo wareejiyeen si ay Qaranka ugu kaydiyaan.

Intaasi ka dib, Wasiir Axmed Muumin wuxuu kormeeray Hangaro Hay’adda Kaydka Raashinka Qaranku ka dhistay Magaalada Gabiley, kaasi oo isla Maanta lagu rogay Raashinkii Wasaaradda Beeruhu ku wareejisay.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com