Xisbiga WADDANI Oo Si Adag Uga Hadlay Kor-U-kaca Qiimaha Shidaal Iyo Heshiishka Kootada Ah Ee Xukuumaddu La Gashay Shirkadda Trafigura!.

“Dawladaha dadkooda u damqadda; Dawladaha dadkood daneeya; dawladaha damiirka leh; Dawladaha dadkooda metelaa marka aafaddani dhacdo waxay sameeyaan….”Xoghaye Xamse Khayre

Hargeysa(Hayaannews): Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska ee Xisbiga WADDANI Xamse Khayre, ayaa ku eedeeyey Wasiirka ganacsiga Somaliland inuu si ula kaca indhaha uga la lilanayo sababta keentay kor-u-kaca shidaalka dalka, kadib markii maal-mihii ugu danbeeyey uu circa isku shareeray qiimaha shidaalku.

Xamse Khayre waxa uu sidaa ku sheegay shir-saxafadeed uu ku qabtay Magaalada Hargeysa,waxaanu yidhi”Cudurka kaa gala fardaha haddii laga gubo dameeraha dawadda lama gaadhayo” bay murti Soomaaliyeed ahayd. Wasiirka Ganacsiga JSL wuxuu si ula kac ah indhaha uga lalinayaa sababta dhabta ee kor u kaca shidaalka dalka taas, oo marka laga yimaad korodhka shidaalka aduunka ay inaga [Somaliland ahaan] inoo dheer tahay qiimo-korodh shidaal oo ka yimid shirkadda lagu wareejiyay haamaha Berbera ee TRIFAGURA oo noqotay soo-dejiyaha (importer) keliya ee shidaalka dalka yimaad.

“Dawladaha dadkooda u damqadda; Dawladaha dadkood daneeya; dawladaha damiirka leh; Dawladaha dadkooda metelaa marka aafaddani dhacdo waxay sameeyaan….”

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com