“Xasan Gaafaadhi Danta Iska Daa’e Aabihii Dhaley-baa Nolishiisa Ku Aamini Waayay..” Boqor Buur-Madoow.

Hargeysa(Hayaannews): Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-Madoow oo ka tirsan Madax dhaqameedka Beelaha Somaliland ayaa si buuxda u taageeray hanka Siyaasadeed ee Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.isaga oo wax la la yaabo ku tilmaamay damaca siyaasadeed ee Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xasan Gaafaadhi ,kaas oo sheegay inuu u ordayo tartanka doorashada Gudoomiyaha  Xisbiga KULMIYE ee Somaliland. #Www.Hayaannews.net

Boqor Cismaan Buurmadow,isaga oo sharaxaad kooban ka bixinaya ku cabireya aragtidiisa ku wajahan sida uu u arko damaca siyaasadeed ee Wasiirka Caafimaadka Xasan Gaafaadhi,waxa uu yiri:“Xasan Gaafaadhi,han siyaasadeed wuxu u yeelan waayay Adduunyo ayuu ku jiraa iminkana, haddii uu hadda siyaasadda galayna lacag buu gorgorinayaa oo boqol kun buu gorgorinayaa” isaga oo hadalkiisa sii wata waxa inta raaciyey oo yiri:”Xasan, Siyaasi ma aha, ganacsi baan wax kala qaban karayaa, laakiin danta dadkan ku aamini maayo oo aabihii ayaa noloshiisa ku aamini kari waayay.Anigu aduun dooni maayo, aniga oo aan aduunyo waxba u aqoonina xasan ma dhisi karo”

Boqor Cismaan Buurmadow iyo Wasiirka Caafimaadka Somaliland Xasan Gaafaadhi ayaa isku beel kasoo wada jeeda (Biciide HJ),

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com