Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Mujaahid Mataan Maxamed HOORI(AL-HUMAAMI) Oo Hadaladii Laga Jeediyay DAAWASHO-WACAN

Mujaahid Mataan Maxamed Hoori (AL-HUMAAMI) Hayaannews1

Hargeysa(Hayaannews): Alle ha u naxariiste Mujaahid Mataan Muxumed Hoori (AL-HUMAAMI) oo ka mid ahaan jirey Xildhibaanadii hore ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Aas Qaran loogu sameeyey Xaabalaha Massalaha ee Magaalada Hargeysa.

Alle ha u naxariiste Mujaahid Mataan Muxumed Hoori waxa uu ddoor shariifa ka soo qaatay halgamadii kala danbeeyey ee la soomaray, gaar ahaan halgankii SNM oo uu ka mid ahaa ragii bilaabay halganka, waxaanu sameeyey Magaca Ururka SNM. Sidoo kalena waxa uu ka mid ahaa odayaashii ka soo qayb-qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, ahaana xildhibaan ka tirsanaa Golihii Wakiillada ee Golahan hada jooga ay bedeleen.

Mataan AL-HUMAAMI waxa geeriyooday shalay gala boo ay taariikhdu ahayd 16.4.2023. waxaan ILAAHAY  uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Qaranka, Eheladii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqu ka siiyo.

Munaasibadii loo sameeyey Aaska qaran ayaa waxa ka soo qeybgalay Wasiirka arrimaha Dibada Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Waxbarashada Somaliland Axmed TOORNO, Mujaahid Cabdiraxmaan Cali Faarax (Cabdiraxman-TOLWAA), Muhaajid Ibraahim Dhagaweyne, Waxgarad, Xildhibaano, Aqoonyahan, Siyaasiyiin iyo marti sharaf kale oo tiro baddan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Mujaahid Mataan Maxamed Hoori (AL-HUMAAMI) Hayaannews1

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com