Abwaan Cabdiraxmaan-ABEES Oo GABAY Kula Hadlay Madaxweyne Biixi “HIRGAL”

 “Hankii gobi lahayd, talo ku heeraaba

Wax ku haybi si aan reer ahayn, hiilna ugu muuji

Hirgeliya afkaar lagu kulmiyo, yool hal-beeg sido.” Tuducyadani waxay ka mid yihiin Gabayga la yidhaahdo “HIRGAL” ee uu tiriyay Abwaan Cabdiraxmaan Ibraahim Abees oo ka mida Abwaanada da’ada yar ee reer Somaliland aadka loo jecel yahay.

Gabaygan Hirgal waxa uu ka mid yahay kuwii Abwaan Cabdiraxmaan Abees  lagu qoonsaday 2019kii, kadibna uu Xabsi ku muteystay ayuu ka jeediyay Bandhig-Sugaaneedkii uu xalay ku qabtay Magaalada Burco.#Hayaannews.

“Waxa halista guudkeenna dhigay, waa hoggaan xumo”Wuxuu kula hadlay dawladda iyo hoggaanka dalka, Waxaanu Gabaygu u dhignaa sidan:

“Hummaag laga aloosiyo hadduu, hoodo gabay sheegto

Isagoo hagoogtuu xidhiyo, sharaf ku heeryaysan

Hogga boqorka, higaaddiyo hirwada, maanso iyo hello

Hollashada murtida waan taxaa, heel la marinaayo

Runna kama habsoodee xaqaan, hibo difaacaaye

Xadhiggii haddaan kaaga furay, tixda hilaygiiye.

Saddex qodob ayaan ku hayaa, oon handanayaaye

Hali waa waxaan eednayee, goorna hadhi waayay

Halna waa mas’uullada saree, fuulay heegada

Halna waa siday ila tihiyo, hoga-tus waayeel.

Hali waa wax aan eednayee, goorna hadhi waayay.

Markay xulasho hayb-hayb gashaa, qaranku hoogaaye

Hebad baad siyaasiga u tahay, waanad huruddaaye

Haldhig beena, hufnaan iyo wanaag, heesi daba taallo

Ma hanbeeye, nimaan hoo lahayn, huubahana laaca

Naftii hafarka, hoosaasintiyo, faanka ku hataaray

Habacsanida adigoon mar qudha, harowsi diidaynnin

Waa waxa hankaagii dilee, hayjad kugu ooday

Hawo iyo qabiil iyo jibbaa, lagu hungoobaye

Jeeroy hannaankii wacnaa, hanato laabtaadu

Gobannimadu higil bay dhex taal, soona heli maysid

God uu halaqu leeyay gashaa, good hariirya lehe

Halgan iyo ka daa iyo hayaay, heegan lagu joogo

Hadimiyo wareer baad ku jiri, hiiftan iyo ciile

Ku heehaabtay meel dhexe dadnimo, daacad ka huleeshay.

Halna waa mas’uullada saree, fuulay heegada’e.

Dawladnimo habkii lagu ogaa, haybad lagu dhaato

“Ha hagaajo” ninkii aan lahaa, haykalkii dumay

Isaguna hareer buu ka maray, hilinkii toosnaaye

Omas iyo harraad buu dhex furay, geeddigii hebel’e

Hirar doogle iyo, hawd iyo caleen, loo hor-seed galo

Gadaal guur hayaankii socdaal, horena loo diidye

Halkii laga baqooluu mar kale, heeryadii dhigay.

Hirdankiyo walaalaha is dilay, Sooshan lagu hoobtay

Dabkaa huray raggii demin lahaa, way hagranayaane

Iyaba waa halbowlaha jidhkiyo, haniyaheenniiye

Wixii kaga habboonaa marnaba, dawladdaan hidinne

Hanti aada, hayn iyo adduun, loogu gacan haadsho

Gurmad haw yidhaahdiyo la waa, hirashadeedii.

Halleeyiyo dalkeenunna ka weyn, Heegadiyo suuqa

Ku mashquushay haamaha Berbera, hadalka dhiibiiye

Hawl yar oo basiidaad ta mudan, kaga habsaantaane

Horma-gelin qorshaha tii leh baa, loo hitiqiyaaye

Doorashada hujuunkii ka dhacay, haarti may bi’inne

Hurin weliba gar bay iskeed, hibasho oydaaye

Ololaha sidii loo haftee, loo hadh geli waayay

Habar wacasho waataa darteed, haamo loo shiraye

Haddii aan wanaaggiyo heshiis, dawladdu huraynnin

Hab-samaan haddaan loo tixgelin, kii hal-tabanaaya

Qarannimo huluul bay xushaa, meel hadoodilan’e.

Marka madaxda hadal daw ahaa, loo hal celin waayo

Hadh qoodaalka qiyaamaha fogba, hiirta kula jooga,

“Hab,” hadday tidhaayoo abaar, uunku hurushoobo

Kul holcaaya, boodh iyo habaas, huguf ku duulaayo

Dal harraadan awr dhaamiyaa, muu hamuun tirine

Hayin qudhi wuxuu qaadaya, haamo iyo dhawre

Tashigaa la hoobaaliyaa, xaajo hubinteeda

Habrashadu dar ay ceeblatoon, kugu hadaaqaynnin

Hindisaha rag baa lagu yidhaa, “Heedhe say tahaye”

Boqollaal haldoorliyo wax-garad, heellan baa jira’e

Qaar hilaadda kula eegayiyo, raadso hana-qaadka.

Hadhuub daatay caana la yidhi, “Yaan hanbadu raacin,”

Halkaan adiga talo kuugu daro, een ku hiranaayo

Sooyaalkaa hadhow soo bandhigi, kii hareer maraye

Dib u hano kalsoonida dadkoo, hilow ku soo jiido

Himilada danbaysiyo rejada, muuji hirarkeeda

Hadashada midnimo loo dhanyahay, haabo fulinteeda

Waxa deeqa aadmiga hilbaha, waa cadliye “Hoo,” dheh

Hoggaamiye waxaa laga dhaxlaa, qaar wax sii haga’e

Nidaamkoo hagaag loo dhisoo, haydhka laga saaro

Hor-markuba hadaa waa inaa, hiigsi nololeede

Hayil-debecsan, hufnaan iyo bisayl, maanta ku hoggaami.

Halna waa siday ila tihiyo, hoga-tus waayeel.

Nin hammiya mid lagu soo hirtiyo, hawl kar iyo guurti

Habbisaa garaadkii wacnaa, heegga loo sudhaye

Nimanyahow hawaalaha adduun, halabsadoo dhaada

Wixii hooto kugu soo dhacee, heeray boqontaada

Dib u eeg halaaggii ku maray, waad hawiranteene

Hoos u dhugo duruuftaad qabtiyo, heerka noloshaada

Hataq iyo dalluun lagu dhiciyo, haadan lagu ciiro

Waxa halista guudkeenna dhigay, waa hoggaan xumo.

Nidaam heedaddaysiyo dastuur, haylo kala jaada

Kun hab oo guraangura markaan, hoy isugu keenay

Ayaan heedaddowgii jid kale, baadi ku hallownay

Habaqlaannu Giriyaad cidla ah, hugun la jiifnaaye

Is haaraanka waa waxa ku baday, eed la hogataaye

Dhaqankiyo aqoontii hiddaha, maaddiga hagaagsan

Intaad hadhac u soo waabataan, haadsha gebigoodba

Waayahaaga wixii kaga habboon, halal u soo guuri

Hadaf mida, hankii gobi lahayd, talo ku heeraaba

Wax ku haybi si aan reer ahayn, hiilna ugu muuji

Hirgeliya afkaar lagu kulmiyo, yool hal-beeg sido.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com