Somaliland Oo Qorsheysay inay Dekedda Berbera Ay Hanato Boqolkiiba Soddon Badeecadaha U Socda Dalka Itoobiya.

Hargeysa(Hayaannews): Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi, ayaa u  xaqiijiyay warbaahinta Deutsche Welle ee dalka Jarmalka oo   Wakaaladda wararka ee SOLNA soo xigatay, in heshiis la xidhiidha badeecadaha Itoobiya ee ka soo degi doona marsada Berbera ay labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya geli doonaan muddo lixdan maalmood gudahood ah.

Maareeye Siciid Xasan Cabdilaahi wuxuu xusay in dekedda Berbera ay leedahay jid toos ah oo si sahlan ugu xidhaya Itoobiya, taasina ay fursad iyo doorashada u wanaagsan u tahay dalkaas.

Waxa kaloo uu caddeeyay marka heshiiskaasi hirgelo sannadka hore ay Itoobiya boqolkiiba 30 baddeecadaheeda kala soo degi doonto dekedda Berbera.

Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa inay labada bilood  ee fooda innagu soo haya  ku dhammaystiraan heshiiskii is faham ee ay hore u kala saxeexdeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal-wasaare Abiy Ahmed, kaasi oo dhigaya inay JSL Itoobiya ka kirayso 20km oo xeebteeda ka mid ah oo ay dawladda addisababa ka samaysato saldhig millatari oo badda ah. Iyadoo Itoobiyana ay aqoonsan doonto madaxbannaanida JSL.waxana ku jira heshiiskaas iskaashi ballaadhan oo dhinaca  dhaqaalaha ah oo ay yeellan doonaan labada dal.