Afhayeen U Hadlay TV-ga ITV Ayaa Sheegay In Raage Oomaar Xanuun Ku Soo Boodey Balse Uu Haatan Ladan Yahay

Weriyaha Caanka ee Raage Oomaar-Hayaannews

London(Hayaannews): Weriyaha ITV News Rageh Omaar, ayaa ku soo ku kaabanaya gurigiisa isaga oo iyo qoyskiisa, ka dib markii lagu daaweeyay cisbitaal, wuxuuna qof walba uga mahad celiyay wanaaga ay u sameeyeen.

Raage  Oomaar ayaa xalay xanuun ku soo booday xilli uu akhrinayay warka habeennimo ee warbaahinta ITV news isaga haatan xaaladdiisa la la tacaalayo.

Afhayeen u hadlay TV-ga ITV ayaa sheegay in uu Raage xanuun ku soo booday balse uu haatan ladan yahay isaga oo aan shaacin sida weriyaha loo qabtay.

Raage Oomaar oo haatan 56 jira waxa markii koowaad lagu bartay duullaankii 2003 dii uu Maraykanku ku qaaday dalka Ciraaq xilligaas oo uu ka mid ahaa weriyeyaashii dhiiirranaa ee u badheedhay soo tebinta dagaalkii qadhaadhaa.

Hadda wuxuu ka tirsan yahay TVga dalka Ingiriiska laga leeyahay ee ITV halkaas oo uu  ka yahay tafaftire iyo soo saare barmaamij oo aad loogu xidhan yahay

Weriyaha Caanka ee Raage Oomaar-Hayaannews

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland