“Aqoonsiga Somaliland Wuxuu Dan U Yahay Xasiloonida Gobolka iyo Tan Caalamka-ba” Xafiiska Qurbojooga Ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Hargeysa(Hayaannews): Xafiiska Qurbojooga  ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL ayaa taageeray banaanbaxa lagu taageerayo qaddiyadda Somaliland  ee wurbojoogu ka dhigayaan magaalada Brussels ee dalka Biljam.

Qoraal xafiiska qurba-joogu soo gaadhsiisay Xafiiska Shabakada Wararka ee Hayaannews, ayaa u dhignaa sidan:-

“Bannaan baxa ay jaalliyadaha qurba-joogga Somaliland ee Yurub ku qabanayaan xarunta Baarlamaanka Yurub ee Brussels, dalka Belgium, maalinta jimcaha ee 17ka May, wuxuu ka mid yahay munaasibadaha ugu muhiimsan ee xus-qarameedka sannadkan ka dhacaya dibedda, kaasoo ay qurba-joogga qaranku ku taageerayaan, uguna doodayaan aqoonsiga caalamiga ah uu dalkooda JSL ka mudan yahay dunida.

Jaaliyaddu waxay halkaas ku gudbin doonaa dhambaalka farrinta uu dareenkooda ummadeed ee bannaan baxani daaran yahay.

Sidaa darteed, Agaasinka Xafiiska Qurba-joogga ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL wuxuu ugu baaqayaa dhammaan bulshada jaalliyadaha Somaliland ee ku dhaqan dalalka Yurub inay si buuxda oo si isku duubni, waddaninimo iyo midnimo qaran leh uga qaybgalan bannaan baxaas Somaliland ee Brussels.

“Aqoonsiga JSL wuxuu dan u yahay xasiloonida gobolka iyo tan caalamkaba”