Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Oo Muddeysay Wakhtiga La Qabanayo Tartanka Orodada.

Hargeysa(Hayaannews): Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa maanta shaacisay wakhtiga la qabanayo tartanka orodka 10-ka KM, isla markaana waxay shacab-weynaha waxay ka codsadeen inay dhiirigeliyaan dhalinyarada ordaysa oo ay barbar is-taagaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL Md. Cabdrashiid Caydiid Yaasiin ayaa si rasmi ah u shaaciyay Tartanka Orodada 10Km oo lagu qaban doono Magaalada Hargeysa 10/05/2024 oo ku beegan maalinta Jimceha (Insha’Allaah)

Tartankan oo ay maal galisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL, sidoo kalena ay fulinayso Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ayaa waxa ka qayb gali doona cid kasta oo xiisaynaysa inay ka qayb gasho.

Agaasime Cabdirashiid Caydiid ayaa u mahadnaqay Ciyaaryahan Axmed Muxumad oo ah Orodyahan ku nool waddanka Maraykanka iyo Dhallinyarada Dalbo Food oo dhamaantood gacan muhiim ah ka gaystay dhinaca abaal-marinta tartankan.

Agaasimaha ayaa sidoo kale aad ugu mahadnaqay Ciidanka Police-ka iyo Ciidanka Nabadhalyada Wadooyinka oo door wayn marwalba ka qaata tartannada Orodada iyo Ciyaaraha kala duwanba.

Gudoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Md. Maxamed Xasan Nageeye ayaa ku dheeraaday muhiimada uu tartankani u leeyahay dhallinyarada Somalilànd isagoo shacabkana ka codsaday inay u soo baxaan oo ay dhiirigalyaan dhallinyaradooda.

Waxa sidoo kale madasha shaacinta tartankan ku sugnaa Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Md. Mustafe Cali Nuur iyo sidoo kale La Taliyaha Wasiirka ee Ciyaaraha Fudud Md. Cumar Xuseen Mire (Qoobnaaji)