Beesha Caalamka Oo Walaac Xoogan Ka Muujisay Dagaalka Ka Socda LAAS-CAANOOD

“Waxaan Aad Uga Walaac-sannahay Duqeynta Loo Geystay Kaabayaasha Dhaqaalaha Ee rayidka”

Hargeysa (Hayaannews):-Beesha Caalamka ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka SOOL oo maal-mihii u dambeeyey dagaal ku dhexmaray Ciidamadda Qaranka Somaliland iyo Malleeshiyaad deegaanka u dhashay oo ay wehelinayaan xoogag kale.

War-saxaafadeed ay shalay wada-jir u soo saareen Dalalka iyo Ururada beesha caalamka oo nuqula mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan-yihiin xaaladda magaalada Laas-caanood iyo abaabul ay halkaas ka wadaan kooxo hubaysan.

Beesha caalamku waxay ku baaqday in gar-gaar deg-deg ah la gaadhsiiyo dadka ku baracay dagaalka Laascaanood, waxaanay dhinacyada iska soo hor-jeeda ugu baaqeen inay fududeeyaan isla markaana aanay wax hor-istaag ah ku samaynin gargaar iyo taakuleynta loo qoondeeyey dadka shacabka ah.

War-murtiyeedka beesha Caalamka waxa lagu sheegay inay si adag u cambaareynayaan rabshadaha sii socda ee magaalada Laascaanood waxayna walaac xooggan ka muujiyeen “wararka la xidhiidha abaabulka kooxaha hubaysan”.

“Waxaan aad uga walaacsannahay duqeynta loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka, taasoo sababtay waxyeello iyo barakac baahsan. Waa in si degdeg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka.

War-murtiyeedka Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in loo hoggaansamo xabbad-joointa, waxaana lagu yidhi, “Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyadu inay u hoggaansamaan xabbad joojinta, is xakameeyaan, oo ay galaan wada-hadal wax dhisaya si loo helo waddo lagu gaadho xal nabadeed.”

Waxa kale oo Beesha Caalamku sheegtay, “Waxaan ku celinaynaa baaqeenna ah in gargaar bani’aadanimo oo aan la hor istaagin si deg deg wax looga qabto baahiyaha dadka barakacay ee ay saameeyeen rabshadaha socda,” Sidaas ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka oo ay wada-jir ugu saxeexan yihiin Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Midowga Yurub, Itoobiya, Finland, Faransiiska, Jarmalka, IGAD, Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Holand, Norway, Ururka Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Sweden, Switzerland, Turkiga, Uganda, UK, Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay, kadib markii dhawaan ay xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday xabad-joojin, balse dhinaca kale ayaa sii waday xabadda.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com